CABAYS.COM
Shirkadda DP-World Oo Soo Qadintay Cudur Daar Ay Sheegtay Inaanay U Ballaadhin Karin Dekedda Berbera
April 16, 2019 - Written by Cabays

CabaysBerbera -JSL (Cabays Media)- Maamulka Shirkadda DP World ee gacanta ku haya dekadda Magaalada Berbera ayaa ka hadlay caqabado kusoo kordhay oo ka hor taagan ballaadhinta dekadda Berbera.

Madaxweynaha Somaliland oo shalay ku sugnaa magaalada Berbera, isaga oo ka qeyb galayay musaanabado ka dhacay gudaha dekadda Berbera oo lagu soo kordhiyey qalaab ka qaada kontaynarada ee loo yaqaan Mobile Crane  iyo habka agab ka dajinta maraakiinta oo isbadal lagu sameeyay.

Maamulka Shirkadda DP World ayaa sheegay inay hadda hakiyeen dhismaha iyo ballaadhinta dekadda magaalada Berbera, sida masuuliyiin Dekeda Berbera u xaqiijiyeen Cabays Media.

Arrinta Hakinta ayaa ka dambeysay markii maamulka Shirkaddu ay sheegeen in dhismaha ay sameynayeen uu gaadhay kaydka Shidaalka dhuumaha Maraakiibta ka soo qaada ee Badda ku rakiban.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ayaa la filayaa inuu go’aan ka gaadho hawshan shaqo joojinta shirkadda DP World, maadaama horey loogu heshiiyay in dekadda Berbera balaadhin weyn lagu sameeyo.

Laakiin maamulka DP world ayaa cadeeyay in loo baahan yahay in xal laga gaadho Keydka dhuumaha shidaalka oo hadda ay ku dhawaadeen intii ay wadeen balaadhinta dekadda magaalada Berbera.

Waxaa la filayaa in madaxweynuhu uu sahamin doono dhul kale oo dhuumaha Shidaalka loo raro maadaama uu maamulka Shirkaddu soo jeediyay in ay dhuumuhu aad ugu dhowyihiin halka la doonayay in lagu balaadhiyo Dekadda.Br Oil

Tan iyo markii ay Shirkadda DP-World la wareegtay maamulka Dekedda Berbera ayaa waxaa taagnaa caqabada dhismaha Dekeddaasi kasoo wajahaya dhuumaha Shidaalka qaada, Muuse Biixi ayaana arintaasi kulamo kala yeeshay wax garadka iyo Ganacsada wax kala soo degta Dekedda Magaalada Berbera. Sidoo kale dhulka u dhaxeeya Haamaha Shidaalka ilaa iyo deegaanka ka Galbeedeeya ayaan gacanta ugu jirin xukumada, waxaana dhulkii banaanaa ee kaydka ahaa bai laga wada dhistay jagooyin seesan ama dayran oo qaab habaqle oo boob u muuqata u bixisay xukumadii hore markii shirkadan DP World Dekeda Berbera lagu wareejiyey mudo laba sano ka hor ah.

Lama oga halka loo rari karo Haamaha Shidaalka iyo cida bixin karta kharashka maadaama ay yihiin kuwo u baahan malaayiin Dollar oo la galiyo si haddii laga durkiyo Dekeda Berbera dib loogu shiso.

Dhanka kale cudurdaarkan ayaa fursad u ah DP World, inkastoo qiyaasihii hore ee ay sameeyeen xiligii lagu wareejinayey ay u muuqatay in ay hoosta ka galayaan Haamaha Shidaalka balaadhinta Dekeda Berbera.

La soco Cabays Media oo isha ku haya halka balaadhinta Berbera Dekedeedu marayo iyo in DP saani u fuliso heshiskii la jujuubay Golaha Wakiilada oo mugti-saaran yahay ilaa hadda iyo sida xukumada Madaxweyne Muuse Biixi oo u muuqata mid ku dhiiran la xisaabtanka sida ay uga dhabayso ilaalinta heshiiskii la lagalay DP World.

 

Cabays Media

Berbera- JSL

COMMENTS