CABAYS.COM
Shirwaynihii 2aad ee Ururka ONLF oo ka furmay magaalada Qabri-Dahar
April 15, 2019 - Written by Cabays

Qabri-dahare (Cabays Media)- Waxaa si rasmi ah uga furmay magaalada Qabridahare Shiwaynihii 2aad ee Golaha dhexe ee Ururka ONLF. Shir-waynahan ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxda

Ururka ugu sareeya, iyo dhammaan xubnaha Ururka ee degaanka iyo dibadda ku sugan. Sidoo kale Odayaal dhaqameedka degaanka ayaa iyaguna qayb ka ahaa Shirwaynahan.

 Shir-waynahan ayaa lagu martqaaday dad badan sida xubno ka socday Ururka OLF ee Oromada iyo mari sharaf kale oo dibadaha ka yimid.

Ugu horreyn waxaa Shirwaynaha furay Guddoomiyaha Ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cisman, wuxuuna ka hadlay Tasriikhdii dheerayd ee Ururku soo maray iyo halgankii qoriga ahaa ee uu soo maray Ururka ONLF, wuxuuna sheegay in Ururku halgankii uu sii wadayo oouu hadda kaddib qalin ku halgami doono halkii uu waagii hore qoriga uu ku halgami jiray.

Sidoo kale Guddoomiyuhu waxaa uu sheegay inta Shirkan lagu jiro maanta ilaa bari inay ururin doonaan aragtida dadwaynaha, isla markaana talada shacabka qaadan doonaan.

Guddoomiyuhu sidoo kale maamulka dawladeed ee Gobollada degaanka ayuu dhaliilo usoo jeediyay isagoo tusaale usoo qaatay socdaalkii uu Ururka ONLF dhawaan ku marayay qaybo kamid ah degaanka inay kusoo arkeen Hormar la’aan ka jirta degaanka iyo dawlad la’aan waa siduu hadalka u dhigay.

Guud ahaan intuu shirwaynahan socdo ayaa waxaa lagu soo qaadan doonaa waxyaabo badan oo Shacabka degaanka wax tar u leh.

COMMENTS