CABAYS.COM
Si Uu Kharashkiisa U Yareeyo Dakhliga Qoyskiisana Kor Ugu Qaado Ayuu Shaqada Kadib Ku Soo Rawaxaa God Cidhiidhi Ah!!
April 14, 2019 - Written by Cabays

Nin u dhashay wadanka Shiinaha ayaa go’aan ku gaadhay in uu ku noolaado god cidhiidhi ah oo ku yaalla meel buur ah intii uu kharash badani kaga bixi lahaa huteel ama guri uu kiraysto mudada uu qoyskiisa shaqada kaga soo maqan yahay ee uu iskaabulada yahay si u dakhliga qoyskiisa kor ugu qaado si weyna hoos ugu dhigo ama u dhimo kharashaadka isaga sida gaarka ah ugu baxa maadaama uu qoyskiisa ka soo maqan yahay oo uu ubaahan yahay Jiif iyo Cunto.

Shi Zhiyong oo 42-jir ahi waxa uu u dhashay wadanka Shiinaha, waana nin shaqaale ah oo mushahar ahaan u qaata 30-kun oo Renminbi oo ah lacagta dalka Shiinaha waxaanay noloshu wakhti imika laga joogo tobaneeye sanadood ku khasabtay in uu deegaankiisa isaga tago oo u shaqo tago warshad ku taalla meel aad ugu fog deegaanka qoyskiisu degan yahay taasi oo keentay in aanu si dhib yar u soo gaadhi Karin qoyskiisa balse uu dhawrkii biloodba mar u tago inta uu fasax qaato isaga oo wakhtiga kale ee uu shirkadda ka shaqaynayo marka uu rawaxo ku hoyda god-buureed ku yaalla badhtamaha dhul buuralay ah oo ku dhaw goobta ay ku taallo warshadda uu ka shaqeeyaa.

Si uu nolosha qoyskiisa kor ugu qaado oo ay u helaan masruuf wanaagsan oo ku filan, Shi Zhiyong waxa uu iska diiday in ay lacagi kaga baxdo in uu guri kiraysto mudada uu joogo deegaanka uu ka shaqeeyo halka uu sidoo kale ka gaabsaday in uu huteel ku noolaado oo lacag badan laga qaado isaga oo taa badalkeeda u hoyda god bureed cidhiidhi ah oo aan ka badnayn laba Mitir. Shi Zhiyong waxa uu godkaasi ku noolaadaa Mid Lix bilood ah kadib waxa uu qaataa fasax labaatan cisho ah oo uu qoyskiisa u tago. Fasaxiisu marka uu u soo dhamaado ee uu shirkadda u shaqo yimaadna godkiisii yaraa ayuu haddana shan bilood oo kale ku noolaadaa.

Shi Zhiyong oo u warramayay wargeyska China Today ayaa sheegay in uu kharashkiisa aad u dhimay oo uu kaliya 24-kii saacadoodba isticmaalo wax ka yar 100 Renminbi oo ah lacagta Shiinaha dakhligiisiina u kordhay maadaama uu kharashkiisa gaarka u ahaa dhimay. “Mushaharkaygu waa 30-kun, waxaanan gunne ahaan u helaa sidoo kale lacago kale, dhammaan lacagahaasi waxaan ku shubtaa Akoon xisaabeed marka laga tago biilka aan reerkayga u diro. Haddii aanan godkan helin si aan ugu noolaado lacago badani iimay dhigmeen waanan ku faraxsanahay. Waxaan subaxii shaqo tagaa 6-da subaxnimo waxaanan soo rawaxaa 5-ta Galabnimo wixii intaa ka dambeeya waxaan toos u tagaa godkan aan ku noolahay” ayuu yidhi Shi Zhiyong!!.

 

COMMENTS