CABAYS.COM
Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo si farshaxan ah ugu sharaxay sheeko arinka 80 Malyuun ee oogan
February 7, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (Hargeysa- Somaliland) Bulshada Somailand ayaa aad u hadal haysa lacag lagu qiyaasay 80 Malyuun oo Doolarka Maraykanka ah oo maalintii Isniintii Xildhibaan Mahdi Ismaacii lBuubaa oo ah gudoomiyaha Gudida Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada Somaliland ku sheegay in Golaha Wakiiladu ogaadeen in 80m oo qaan ah lagu wareejiyey xukumada Muuse Biixi Cabdi.

Xildhibaan Mahdi Buubaa oo shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen Wasiirka Wasaarada Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire oo Golaha Wakiilada hortgay is looga wareysto arimaha maaliyada, dhankiisa ka hadlay ayaa sheegista uu sheegay lacag dayn ah oo 80 malyuun ah in xukumada lagu lee yahay ayaa keentay faalo iyo falanqayn bulshadu inba dhan kaga hadashay lacagtaa.

Haddaba dadka si farshaxanka ah uga hadlay ee ku cabiray qisooyin u muuqdda kuwa buugaagta ee lagu qoro sheekooyinka mahadhada reeba, ayaa aqoonyahahn Jamaal Cali Xuseen ku cabiray sheeko soo jiidatay dadka arinka lacagta 80 malyuun.

Jamaal Cali Xuseen oo soo dhigay boggiisa Facebook-ga laba qoraal oo mid yahay sharaxaad laba nooc oo tuugo ah oo ay ku kacaan madaxdu iyo qoraal sheeko ku aroorta arinkan 80ka malyuun ee shacbiga Somaliland ka yaabeen.

Qoraalka 1aad ee uu Jamaal Cali Xuseen

Noocayada tuugada madaxdu:

Waxa jira laba nooc oo tuuganimadda ah, mid si toos ah ayuu u xadaa wixii markaa yaalla. Hadaba waxa jira tuug nooc kale ah oo isagu intaanu waxba xadin qorshaheeda sii bilaaba Oo dadka ka sii dhaadhiciya inay lacagtaasi maqan tahay. Hadaba nooca danbe ayaa khatar ah, hungurigiisuna wuu ka weyn yahay tuuga waxa yaala xada. Hadabba waxba garan maynee si Alle u daa.

No photo description available.

Qoraalka 2aad ee sheekadii tuugada:

Sheekaddii Maanta # 2

‘Niman tuug ah ayaa beri hore Bangi weyn dhacay. Lacagtii ay qaateen badnaanteeddii ayeey tirin kari waayeen Oo haleeli waayeen. Mida ka mid ah ayaa yidhi; ” waar inaga kaxeeya meesha idaacadda ama warbaahintaba waynu ka maqli doonaaye.”

Kolkay u caraabeen ardaaggii ama guriggii ay ku dhuumanayeen ayuunbay mar qudha maqleen Raadiyowgii oo leh bankiggii weynaa ee hebel waxa laga dhacay US$ 20 million Oo doolar. Nimankii tuugta ahaaba iyagoo yaaban xadigan la sheegay inay dhaceen ayeey tiro ku dhaqaaqeen lacagtii ay soo dhaceen.

Tiraddii ka dib waxay nimankii tuugta ahaa ogaadeen lacagta rasmiga ah ee ay qaateen inay tahay uun US$10 million oo doolar. Oo show madaxdii ugu sareysay ee bangiggii la dhacay ayaaba u heshiiyey oo u dhex raaciyey oo $10 million kale oo dheeraad ah oo ay hoos u qaatay oo kana dhigeen inay tuugtii hore dhacday lacagta US$20 million ee idaacadaha iyo warbaahinta dhamaan laga sheegay.

Haddaba tuugtii hore oo ka cadheysan in wax aanay qaadan lagu masabiday oo tuugtan kale ee Baanka Ninka haystaa horkacaya ay bilaash iyo hawl yari wax ku dhacayaan, halka tuugtii hore ay rafaad u mareen Bangiggii ay dhacayeen. Kolkaa tuugtii hore ayaa telefoon iyagoo ku hadlaaya warbaahinta si sir ah uga qiranaya in ay iyagu dhaceen US$ 10 million oo keliya, madaxdii Baankuna ay u dhex raaciyeen 10 ka million ee kale. Mar qudha ayaa warbaahintii ku soo jeesanaysa madaxdii Baanka oo ay kashifmayaan.

Kolkaasay madaxdii Baanku iyagoo yaaban mar kale si habachabac u dafirayaan warkoodii hore iyagoo leh doorkan: ” Qalad ayaa laga fahmay warkaygii hore ee waxa qudha ee maqan ee la dhacay waa US$10 million, askarigii warka naga qoraayey baa qaldaye raalli ahaada! ” Bal Adba!…….”

 

Jama

Jamaal Cali Xuseen waa qoraa waana gabayaa qoray buugaag qosol

 

 

 

 

 

 

 

Qoraalkaas Jamaal Cali Xuseen oo ayaa noqday kii ugu xiisaha badnaa ee aad loo akhriyey, layskuguna sii gudbiyey ee saani looga dhadhan saday in uu sharaxay arinka 8o malyuun ee dhakafaarka ku abuuray bulshada Somaliland.

 

La soco qoraalada xiisaha badan ee soo kordha

COMMENTS