CABAYS.COM
Sobobaha dahsoon ee ku kalifay Madax. Farmaajo in uu ka tanaasulo sharcigii Maraykan ee uu haystay –
August 1, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (Hargeysa- JSL) –  Wararka ku saabsan sobobta dhabta ah ee madaxwyenah Dawlada Federalka Soomaaliya uu dib ugu celiyey dawlada Maraykan sharcigii uu u haystay in uu yahay qof leh warqada dhalashad dalka Maraykanka ayaa sheegaya in ay jiraan sobobo uu qarinayo oo ku kalifay in uu shaaciyo in uu iska celiyey dhalashadi dalka Maraykana.

Sanadkii 2017kii waxii ka dambeeyey, waxa madaxweyne Farmaajo walaac weyn ka qaaday kooxo aad u awood badan oo dalka Maraykanka ka jira oo dacwado soo ooga, kuwaas oo la sheegay in ay ku wargliyeen in wixii filico ah ee uu ka geysto dalka Soomaaliya in lagu dacweyn karo

Sida ay sheegayaan ilo ku xidhan Madax. Farmaajo mudo ayuu ka fikirayey ilaa iyo intii ka dambaysay qaraxii lagu hoobtay ee ka dhacay Xaafada Shoombe ee magaalada Muqdisho sanadkii 2017kii oo ay k udhinteen dad ku dhow kun qof iyo burbur hantiyeed oo aad u laxaad weyn.

Farmaajo ayaa ilo xologaal ahi sheegeen in uu wax ka ogaa qarax Shoombe, balse aanu waxba ka qaban ka hotagiisa oo hore uga digeen sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa dawladaha caawiya xukumad Soomaaliya. Qaraxaa Shoombe ayaa ehelada iyo xubno culus oo dalka Maraykanka ku sugani ay diyaarinayeen in ay dacwad ku soo oogaan Madaxweyne Farmaajo marka uu xilka ka dago.

“Madaxweyne Farmaajo waxa uu ogaaday in ay jirto dacwada la diyaarinaayo oo ka dhan ah asaga oo la rabo in lagula xisaabtamo xasuuqii Shoombe” Sidaa waxa yidhi xubin ka tirsan kuwa lagu wargaliyey dacwadan oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego, kuna sugan dalka Maraykana.

Sidoo kale xubno ka mid ah Petegonka looga daliyo ciidamada dalka Maraykanka iyo sidoo kale State Department-ka dalka maraykana ayaa dhankooda qoraalo ka dhiibay in gumaadkii ka dhacay Shoombe uu ahaa mid ka weyn ku ay si sahlan u fulin kareen kooxada Alshabab, balse uu jiro gacan weyn oo lagu siiyey ka dawlada ahaan, taas oo ay ku doodayaan in sirdoonka ku xidhan kuwa Soomaaliya ay ku wargliyeen, balse arinkaa Farmaajo is hortaagay in shacbiga looga digo, inkastoo bay yidhaahdeen in aanu cadayn heerka qaraxu u awood badnaa iyo goobta lagu eekeysiindoono.

Sidoo kale waxa jira warar kale oo sheegaya in Madaxweyne Farmaajo sobobta uu iskaga dhiibat in uu sii noqdo nin haysta dhalashada Maraykan ay ka mid tahay musuqmaasuq xoogan oo uu awood ugu yeelay in la weecsado lacago badan oo State Department ku ugu deeqay dawlada Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay in uu ku shubtay baanan dalka Imaaraadka ah, laguna damaba joogo arinkaas.

Dhanka kale waxa iyaguna jira warar sheegaya in mudadii koobnayd ee uu ahaa Raysalwasaaraha Soomaaliya sanadkii 2010kii uu ku kacay falal musuqmaasuq oo la xidhiidha lacago dawlada Maraykanku ugu deeeqday dalka Soomaaliya, kuwaas oo lagu damba joogo, sida kali ah ee uu kahga baxsan karo maxkamado dalka Maraykan ay tahay iyadoo uu iska dhiibo waraaqaha jinsiyada ee dalkaasi, oo si sahlan aan loogu maxkamadayn karin haddii aanu haysan sharciga dalkaasi.

Dalka Maraykanku waa ka 1aad ee lacagta ugu badan ee lagu caawiyo ciidama AMISOM ee ilaaliya dawlada Soomaaliya bixisa, waana dalka ugu taageerada weyn dawlad Farmaajo. In uu aayar iska dhiibo waraaqaha dhalashad dalka Maraykanku ma aha wax sahlan, mana aha arin uu si iskii ah ugu go’aansaday, waayo waxa ay saamayn ku yeelan kartaa xidhiidha dalkaas Maraykanka oo gacanta ugu weyn siinaya dawladiisa iyo kuwa Dawleed Goboleedyada.

Tusaale ahaan dalka Maraykanku waxa uu Sooomaaliya oo ka caawiyo arimaha dhismaha dawladnimada iyo arimaha ciidamad, sida kuwa lagu tobo baro Muqdisho iyo dalalka kale oo uu Maraykanku bixiyo kharashka ugu badan. Ilaa iyo sanadkii 2017kii waxa lacago gaadhay 140 malyuun uu dawlada Maraykan galisay Soomaaliya, lacaghaasi qaar waxay ahaayeen kuwo si cad loo weecsaday oo xukumada Farmaajo, siiba isaga iyo Raysalwasaare Khayre.

Dalka Maraykana ilaa iyo intii uu qabsaday Donald Trump waxa jiray xisaabtan badan oo ay ku qaadeen dalwado badan oo ay ka mid yihiin kuwa aad ugu tiirsan gacanta dawlada dalkaasi, sida Afganistan iyo Soomaaliya. Xisaabtankan ayaa keenay in baadhitaano dawlada Maraykan samaysayo.

Sidoo kale waxa soo baxaya in dawlada Trump ay aad ugu adag tahay xukumada Farmaajo, isla markaana ku saluugsan tahay heerka ay u hawl gasho iyo maamul xumada khasaaraha dhaqaale ee dawlada Maraykan iyo  qaraxyada isbada taagan ee haloigay magaalada Muqdisho iyo kuwa kale, kuwaas oo dalwada Maraykan si weyn iugu saluugsan tahay.

Talaabadan uu Madaxweyne Farmaajo kaga tanaasulay sharcigii Maraykanka, waxa ay abuuraysaa su’aalo badan oo jawaabo u baahan, waxaana la filayaa in dhanka dawlada Maraykan ka soo boxo jawaabo la xidhiidha bayaamintiisaa. Maadaama aanay jirin wax iskhilaaf ah oo ah  inuu haysto labada sharci ee dalka uu ku dhashay ee Soomaaliya iyo ka uu mudad qoxootiga ahaan ku tagey ee uu qaatay waraaqihiisii dhalashada.

Waxa iyaduna jirta in ilaa intii madaxweynah ka ahaa dalka Soomaaliya Farmaajo aanu cagta dhigin dalka Maraykanka, sobobo la xidhiidha sharciga dalka Maraykanka oo diidaya in qof sita baasaaoor Maraykan uu  isagoo madaxweyne ah soo galo dalka Marykanka. Sidan oo kale ay ayaa madaxweynihii dalka Afganistan ee sanadihii 2001 ilaa 2013kii walaalkii oo haystay dhalashada Maraykan uu dib iskaga celiyey markii uu musharxnimada madaxweyne isku soo sharaxay sanadkan horaantiisii, hase ahaatee dhalashada US uma celin sobobo la xidhiidha in dawlada Maraykanku ka codsatay, balse waxa la sheegay in uu ka baqo qabay in hadhow la dabagalo isagoo Maraykan ah.

US-SOM

Hase ahaatee qoraalka uu ku sharaxay sobabta uu iskaga celiyey shacigii Maraykan ee uu haystay,  oo uu qoraalk ku soo saaray kama jawaabayaan arimo badan oo ku gadaaaman.

Halkan hoose ka akhri qoraalka uu ku sobobeeyey oo ah mid loo qaybiyey saxaafada aduunka.

 

COMMENTS