CABAYS.COM
Socdaalka Madaxweyne Muuse Biixi ee Gobolada Bari – Maxaa ugu muhiimsan – ma lagala hadlidoonaa falaagada Caare?
November 18, 2018 - Written by Cabays

Cabays Media (Berbera- JSCabaysL) – Socdaalka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wafti xubno golaha wasiiradiisa, madax ciidamada Qaranka JSL ay ugu ambo baxeen gobolada Bariga ee Jamhuuriyad Somaliland waa mid in badan la sugayey, waase mid aanay dadku ogayn waxa ugu muhiimsan ee socdaalkani uu daaran yahay.

Xaalada Gobolada Bari, siiba Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa ah kuwo cambaar ku ah magaca wanaagsan ee JSL. Xalaadahaasi ayaa iskugu jira duruufo ay reebtay abaartii dalka ku habsatay sanadkii hore iyo wixii ka horeeyey, colaado waji badan oo iskugu jira kuwo ardaayo isku beel ah ka dhaxeeya, sida colaadii la soo afjaray ee Ceel-Afweyn iyo tan loo caal waayey ee Koonfurta Sool oo laba beelood mudo ka badan shan sano colaad xumi ka dhaxaysay ay dhawaana isku gumaadeen dagaal aad u fool xun oo aanay waxba isku reebin.

Waxa intaa dheer tabasho siyaasadeed oo utun u noqotay colaadii Ceel-Afweyn, taas oo keentay in khilaaf dhexmaray xubno ciidanka Qaranka JSL uu abuuro tuhuno aan jirin iyo dareeno galiya beel ka mid ah beelaa Gobolka Sanaag oo ay xubno saraakiil ka ahaa ciidanka Qaranka JSL noqdaan kuwo ka goosta ciidanka iyagoo ku dacwoonaya waxa ay ka tageen cadaalad daro, inakstoo aanay farta ku fiiqin sida gaarka ah ee cadaalad daradu u saamaysa beesha ay sheegeen in ay cadaalad daro lagula kacay.

Colaada Koonrta Gobolka Sool oo iyaduna ay dheer tahay ta Tukaraq oo aan wali dhan la iskula dhicin, ayaa waxa is weydiintu tahay maxaa ugu muhiimsan socdaalkan madaxweyne Muuse ee Gobolada Bari?

Socdaalka madaxweyne Muuse Biixi iyo waftigiisu waa mid ay eegayaan indhihii ugu badnaa mudo oo eega madaxweyne Somaliland oo doorasho ka dib mudo sanad ah taga dhanka Bari, waana mid bulshada oo dhami eegayso waxa uu la tago iyo cida uu kula kulmo halkaa.

Haddaba ma u muhiimsan tahay in uu la kulmo xubnaha kooban ee hore uga tirsanaa Ciidanka Qaranka JSL ee u goostay Puntland kuna baaqay dagaal ka dhan ah Somaliland xukumadeeda xubnaha u diyaarka ah in ay ka ergeeyaan iyaga iyo madaxweynaha?

Haddii ay muhiim u tahay in kooxdan ka falaagowday Ciidanka Qaranka la kulmo, maxay ka wada hadlayaan oo labada dhan isku af-garankaraan?

Waa jawaabta aan muuqan , waayo kooxdan ay hogaaminayaan labada sarkaal ee Ciidanka Qaranka ka goostay ee ka mid yahay Kornaly Caare waa kuwo ciidanka ay ka mid ahaayeen dambi ka galay sida uu hore u sheegay wasiirka Ciyaaraha JSL Boos Mire, loona haysto in ay galeen dambiyo iskugu jira dhac mushaar ciidan, boob hub iyo gaadiid Ciidanka Qaranka JSL lee yahay.

Sidoo kalena beesha ay ka soo jeedaan ma aha kuwo u arka in ay kooxdaasi matalaan, qaabka ay u cawdeen iyo hub iyo koox jabhad ah oo ay samaystaan mid ay ku matalaan tabashadooda, mana aha koox mudan in lalaba xaajoodo.

Socdaalka Madaxweyne Muuse ee Gobolada Bari ma noqon karo mid lugta koobaad ee uu ku maro ku soo dhamayn kara xaaladaha kala duwan ee ka jira. Mana aha mid xaaladaaha yaalaa ku xidhan yihiin isabadalkoodu booqashadiisa, hase ahaatee xaaladaha Barigu waa kuwo sida loo furdaamiyo mudo yar ay adag tahay, xukumada cusub ee Muuse Biixina lagama yaabo in mudada 4ta sano ee hadhay ay ku wada furdaamin karto.

Waxase u muhiimsan arimahan in waftiga madaxweynuha iyo hormoodka deegaanada Barigu ay mudnaanta siiyaan.

Gobolka Sanaag:

1) In ay si cad u muujiyaan tabashadooda u goonida ah iyo ta dalka ay la wadaagaan

2) In colaada Ceel-Afweyn iyo  xukumada madaxweyne Muuse aan la isku tigraarin ama aan loo nisbayn colaad ka horaysay madaxtinimadiisa, lana kala saaro khilaafka deegaanka iyo ka siyaasiga ee xukumada ku wajahan.

3) In baahiyaha aasaaiga ah ee gobolka Sanaag la hor dhigo, madaxweynuhu si daacad ah uga jawaabo.

4) Madaxweynaha iyo hormaadka gobolka oo midaysan oo aan beelaysnayn ay la xisaabtan leh saamiga siyaasiga iyo ka horumarka dalka ay saani ula xisaabtamaan.

 

Gobolka Sool:

1) Waa in ay hormoodka gobolku ka midaysan yihiin siyaasada ay ku wajahayaan xukumada Muuse

2) Waa in la bud-dhigaa habka nabada gobolku ku hir-galayso iyo sidii loo kala tuhun saari lahaa beelaha gobolka oo dhan ah iyo xukumada oo iyadna dhan ah.

3)Hormoodka gobolka Sool waa in ay awoodaan in ay la xisaabtamaan xukumada, weydiiyaana qoorta xukumadu gobolka ka saaraysao xaalad militari oo hay’ado ku soo dhiiran karaan, iyagoo dhankooda qaadaya talaabada taa keenaysa.

4) Waa in ay miisa u saaraan hormoodka gobolku dooda saami-qaybsiga golayaasha iyo talooyinka uga muuqda.

Haddii socdaalka madaxweyne Muuse Biixi ku koobnaan isbarasho iyo kulan labaad oo ah markii uu madaxweyne noqday doorasho dabadeed, waa in socdaalkani noqdaa mid soo kabi kara khasaare kasta oo siyaasdeed oo dhacay mudadii hore ee ka horeeyey hogaanimada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, inkastoo ay adag tahay in Gobolada Bari oo bulshadiisu si weyn u qaybsan tahay ay socdaal maalmo qaata ku koobi karaan xaaladaaha oogan iyo xalkoodaba.

Muhiimada socdaalkani waa is-afgaradka xukumada Muuse iyo inta tabasho la cukan ee cabashadeedu u soo ganaya dhanka Galbeed ee Somaliland oo aaad uga horeeya dhan walba marka la eego.

Weynuse eegaan cagta hore ee uu madaxweyne Muuse Biixi ku dhigo gobolada Bari oo aynu Burco ka reebnay, waayo Burco si sanqadh yar ayey uga hayaamaysaa xaaladaha ku reeban Sool iyo Sanaag.

Mus Mseee

 

 

Muuseee

Muuseeeeeeee Mxxx MBS

COMMENTS