CABAYS.COM
Somaliland: Guddida Ka Hor-taga COVID-19 Oo War Soo-saaray
September 17, 2020 - Written by Khalid King

(Cabays Media) – Xoghayaha guddida xakamaynta cudurka Covid-19 Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), ayaa sheegay in aan xayiraadihii la khafiifiyey ahayn in uu xanuunku dalka ka baxay, balse loo baahan yahay taxadir iyo foojignaan la yeesho, maadaama oo uu weli xanuunku jiro.

 

 

Xuseen Dayer, ayaa  isagoo daba socda warar sheegay oo ku saabsan in la iibiyey qalab la geeyey Cusbitaalka Burco, waxa uu yidhi “Qalabkaasi waa qalab hanti qaranku leeyahay ah, waana hanti ay Wasaaradda Caafimaadku maamulayso.” Ayuu yidhi Xuseen Dayer.

 

Guddida ka hortaga  Covid1-9 ayaa todobaddkii la soo dhaafay kormeer ku sameeyey goobaha Waxbarashada dalka, iyaggoo u kuur-galaya in laga dhaqan-geliyay nidaamkii loo dejiyey ee waafaqsanaa ilaalinta Caafimaaddka Ardayda.

 

 

Cabays news.com

COMMENTS