CABAYS.COM
Somaliland: Ma Jiro Waddan Aanu Heshiis Kula Galnay In Anu Dad Reer Somaliland Ah Soo Celino
July 6, 2018 - Written by Cabays

Hargeysa(Cabays Media) Xukuumadda Somaliland ayaa gaashanka u daruurtay in ay jiraan heshiisyo ay la gashay dalalka caalamka kuwaas oo khuseeye in dib loo soo celiyo dadka reer somaliland ee ku nool dalka dibadiisa

Gudoomiyaha haayada Qaxoontiga  iyo barakacayaasha  Somaliland Cabdikariin Axmed Xinif oo maanta waraysi gaar ah siyey tvga star ayaa sheegay in aanay waxba ka jrin wararkaasi waxana uu yidhi

” ilaa iminka cid aan anaigu heshiis kula nahay ma jirto waxaan anigu u imi iyadoo wadanka Ingiriisku wasaaradii hor ay kula jirto heshiiskaasina markaan imi wuu dhamaaday bishii 3aad ee sanadkan buu dhamaaday heshiis danbena lama gelin si fududna ula geli mayno dad la soo khasbayo oo la soo celinaayo  had iyo jeer wadamada heshiiska lala galaa waa dad khasab lagu soo celinaayo anaa taa si fudud ku geli maayo waana siyaasad u taala qaranka oo dhan iyo madaxweynahaba iyo wasaarada arimaha dibbada  ”

Halkan Hoose Ka Daawo Muqaalka 

COMMENTS