CABAYS.COM
Somaliland oo adeegii Internet-ka xoogani ka go’ay kadib duufaantii ku dhufatay xeebaha
May 22, 2018 - Written by Cabays
CabaysHargeysa(Cabays media) Adeega Internetka ayaa ka go’an gobolada Galbeedka Somaliland cilad farsamo oo ku timi tawarada keena internetka oo ay sobobeen duufaanada Cyclone Sagar oo si xooga ugu  dhuftay xeebaha Badda Cas inta soo xigta Somaliland iyo dalka Djibouti. Waxaana gebi ahaanba maqan internetka shirkadaha Somcable iyo Somtel kuwaas oo shuraako ku ah adeeg Internetka Jam Somaliland.
Waxa keliya oo shaqaynaysa adeega Internetka ee shirkada Telesom bulshada Somaliland ayaa la kadeedan adeega  Internetka ee ciladu k utimi  Ilaa hada dedaalo badan oo la sameyey ma noqon kuwa suura gal ka dhiga in uu hawada ku soo laabato adeega Internerkii.
Duufaanka Cyclone Sagar ayaa saamayn ku yeelatay dhul baaxdle, waxayna sobobtay in ay kala xidho isku socodka deegaamada teedsan xeebta Badda Cas.
Dabayhilii xooganaa ee ay wadatay duunfaanta Cyclone Sagar ayaa la sheegay in ay kicisay bada, kaas oo keentay in xadhkihii dhulka bada hoostiisa marayey ay meelaha ay bariga ka soo galaan ay jarto, taas oo keentay in uu khadka ka boxo adeegii Internetka.
biyo4

 

COMMENTS