CABAYS.COM
Somaliland Oo Ka Hadashay Dagaalka Saaka Ka Dhacay Tukaraq
May 24, 2018 - Written by Cabays

Hargeysa(Cabays Media )Somaliland ayaa ka hadashay dagaalkii saakay ka dhacay Tuka Raq, waxaana ay ku eedeeyeen in ay Dawlada Soomaaliya ka dambayso dagaalkaasi.

Wasiirka warfaafinta Somaliland C/raxmaan Guri-Barwaaqo ayaa sheegay in sababta loo soo wareeray tahay inay doonayeen inay ka faa’iidaysta inta lagu mashquulsan yahay daad gureynta dadkii duufaantu ku wax-yeelaysay goboladda Galbeedka.

“Saakay lixdii subaxnimo ayaa ciidamada maamulka cago jiidka ah ee dawladda fadaraalka Soomaaliya isku dayeen inay soo weerarraan ciidamdaa qaranka ee uu fadhigoodu yahay jiida hore ee Tuka-Raq, iyaga oo is leh ka faa’iidaysta xilliga ay reer Somaliland dad iyo dawladba
ku hawlan yihiin sabatabixinta dadkii ku tabaaloobay dufaanadii ka dhacay Somaliland”ayuu yiri Guri Barwaaqo oo ka hadlayey dagaalkii saaka dhacay Tuka-Raq.

Wasiirku kama hadal khasaaraha uu dhaliyey dagaalkaasi, hasse ahaatee waxaa uu xusay uun in ay is difaaceen oo ay dib u riixeen ciidankii soo weeraray.

COMMENTS