CABAYS.COM
Somaliland Oo Ka Hadashay Eryidda ergayga Qaramada Midoobay – Nicholas Haysom
January 2, 2019 - Written by Cabays

Cabays.media(Hargeysa)Somaliland Oo Ka Hadashay Eryidda Haysom

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo bandhigtay mawqifkeeda go’aanka Soomaaliya ku eriday wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland Mr Nicholas Haysom oo shalay xukuumadda Muqdisho u sheegtay in uu dalka iskaga baxo kadib khilaaf soo kala dhex galay.
Dawladda Somaliland waxay sheegtay in ay la dhacsan tahay la shaqaynta Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa, islamarkaana u bogtay shaqada Nicholas Haysom ka wado Soomaaliya lafteeda iyo dhexdhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya.
20190102_142050
Dawladda Somaliland waxay sheegtay in ay ka xun tahay go’aanka ka dhanka ah Mr Haysom, islamarkaana u aragto go’aan ka xeel dheer sababaha loo cuskaday eriyadda wakiilka Qaramada Midoobay.

 

COMMENTS