CABAYS.COM
Somaliland Oo Ka Hadashay Shidaalka Laga Helay Ismaamulka Somalida itoobiya
July 6, 2018 - Written by Cabays

Wasiirka wasaaradda macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa bogaadiyay shidaalka laga helay gobolka Soomaalida Itoobiya oo maalmihii la soo dhaafay la daahfuray waxaanu sheegay in uu muhiimad weyn u leeyahay Somaliland.

Wasiir Cigaal waxa uu tafaasiil ka bixiyay xaddiga shidaalka laga helay gobolka Soomaalida ee la deriska ah Somaliland “Waa maansha Allah shidaalkaasi waa la soo saaray. Shidaalka ay soo saareen waxa loogu talo galay in wax soo saarka u horeeya maalintiiba si ku meelgaadh ah loo soo saaro 450 foosto oo ay warshadahooda sibidhka shidaal uga helaan, 2020-kana ay wax soo saarkii weyna soo saaran,” Sidaas ayuu yidhi wasiirku.

Waxa uu intaasi raaciyay “Waynu u hambalyaynayna Itoobiya shidaalka laga helay kilalka 5-aad, kadabaa ayaynu leenahay, inagana calaamad wanaagsan wanaagsan ayay inoo muujinaysa mar haddii agteenii laga helay shidaal, waxay 90% u dhawdahay in inagana laga helayo, marka waa wax inoo soo jiidi kara in shirkadaha kale ee caalamku soo dhiiradaan oo yidhaahdan ‘Mar haddii halkaasba laga helay halkana wuu ku jira ee aynu tijaabino.”

Wasiirku waxa uu sheegay in ay Somaliland u tahay shidaalka dariskeeda laga helay in iyana laga helayo shidaal manaafacaad leh oo ganacsi geli kara.

Shirkado dhawr ah ayaa ku hawlan sahanka shidaalka ee Somaliland kuwaas qaarkood sheegeen in ay hawsha soo saarista bilaabi doonan sanadka 2019.

COMMENTS