CABAYS.COM
Somaliland oo loo codeeyey in ay marti galiso CONIFA World Cup ee koobka wadamada aan FIFA ku jirin
January 27, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media ( London- UK) Sida lagu shaaciyey bogga internetka ee ururka kubada cagta ee CONIFA oo ah urur kulmiya wadamada aan ku jirin FIFA, waxa maanta cod looqaaday halkii lagu qaban lahaa Koobka Conifa World Cup oo lix iyo toban wadan ku kulminaya.

Codkan oo ay qaadeen xubnaha ururka CONIFA ayaa waxa cod aqbaliyada ah ugu doorteen in ay tahay Somaliland meel ku haboon in ay marti galiso ciyaaraha koobka Conifa ee sanadka 2020ka.

Koobka CONIFA ayaa lagu qabtaa wadamada aan ka mid ahayn ururka FIFA oo Koobka Aduunka qabanqaabiya, waxaana koox Somaliland magaceeda ku ciyaaraysaa sanadkii 2016kii kaga qaybgaleen koobkaas oo lagu qabtay dalka aan wali la aqoonsan ee Abakhazia, halkaas oo koox kubada cagta oo la yidhaa Somaliland Football Association oo UK ka jirtaa qaban qaabisay kooxdii magaca Somaliland kaga qaybgashay.

Hase ahaatee doorkan ayaa waxa ay Somaliland heshay fursad weyn oo ay caalamka ku soo jiidato, maadaama koobak CONIFA uu yahay mid si weyn ula socdaan saxaafada iyo bulshada jecel kubada cagta. Marti galinta lala damacsan yahay in ay Somaliland marti galiso sanadka 2020ka ciyaaraha CONFIA waxa ay ku xidhnaandoontaa sida xukumada iyo shacabka Somaliland uga jawaabaan fursada la siiyey.

Gudida sare ee CONIFA ayaa bisha saddexaad ee sanadkan 2019ka booqasho ku tageysa si ay u soo eegaan goobaha garoomada Somaliland, ee ciyaarahan lagu qaban doono iyo wixii ay ka caawin karaan Somaliland.

Fursadan CONIFA ee Somalland ku soo wajahan waxa dadaal dheer u galay, isla markaana xidhiidh dheer la sameeyey ururkan CONIFA dhalinyarada hogaaminaysa kooxda kubada cagta ee hore uga qayb qaatay koobka sanadkii 2016kii, kuwaas oo kala ah Ilyas Maxamed Ismail  iyo Guleed Aadan oo haatan isku diyaarinaya in masuuliyiinta CONIFA ay geeyaan Somaliland si ay u soo qiimeeyaan.

Xukumada Somaliland iyo shacbiga, gaar ahaan dhalinyarada ayey tani u tahay fursad caalamku kubada cagtu ku yimaad Somaliland, waana in fursadam si weyn loogu heelanaadaa, loona hirgaliyaa waxkastoo suurtogalinaya in koobka CONIFA World Cup yimaad JSL,

Halkan ka arkhir qoraalka CONIFA ay bogeeda soo dhigtay ee ay ku shaaciyeen in Somaliland loo codeeyey in ay marti galiso koobkaas sanadka 2020ka.

Halkan ka akhri CONIFA

Halkan ka daawo muuqaaladii kooxidii hore sanadkii 2016kii ka qaybgashay koobka CONIFA ee dalka Abakhazia ka dhacay.

 

 

 

SL Sport

COMMENTS