CABAYS.COM
Somaliland Oo Somaliya Uga Mahadcelisay Deeqada Ay Soo Gaadhsiiyeen
June 11, 2018 - Written by Cabays

Hargeysa(Cabays Media) Wasiirka arimaha dibadda Somaliland Mr. Sacad Cali Shire ayaa dowlada Federalka Soomaaliya uga mahadceliyay lacagtii ugu deeqeen si wax loogu qabto dadka ay dhibaatada ka soo gaadhay duufaanii Sagar oo ku dhufatay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Somaliland.

Waxa uu sheegay Mr Sacad in caawinaadan ay tahay midi ugu horeysay oo dowladda Soomaaliya ay soo gaadhsiiso Somaliland tan iyo markii abaaro ba’an ay ku dhufteen, waxaana uu xusay in ay tahay kaalmo bini’aadanimo oo aan loo baahneyn in la siyaasadeeyo.

Waxa uu sheegay wasiirka Arimaha dibadda Somaliland in lacagta lagu wareejinayo gudigga masiibooyinka si ay u gaarsiiyaan dadka duufaanado saameeyeen.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii xusay in ay soo dhaweynayaan deeq walbo oo la gaadhsiinayo dadka ku nool Awdal , Saxil, Selal, iyo Sanag oo duufaanta Sagar khasaaro kala duwan ka soo gaadhay, isagoo intaa ku daray in Soomaaliya ay u direen 900,000 oo doller bishii October 2011-dii xiligaa oo abaaro xoogan ay ku dhufteen deegaanada koofureed ee Soomaaliya.

Xigasho Bandhigawararka.com

COMMENTS