CABAYS.COM
SOOMAALIYA XIDHIIDH MA U JARI KARTAA GUINEA?
July 5, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media ( Arti Xul ah) –   SOOMAALIYA XIDHIIDH MA U JARI KARTAA GUINEA?

Waxa qoray Maxamed Xaaji Max

amuud – Hargeysa SJL 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya waxa uu shalay sheegay in dalkiisu xidhiidhkii diblomaasiyadeed u jaray dalka Jamhuuriyadda Guinea.

Dad badan ayaa ammuurtan ka faallooday, gaar ahaan sida ay suuro-gal u tahay in Soomaaliya ay xidhiidhka u jarto dal aan waxba ka dhaxayn.

Haddaba si aynnu su’aashan u ga jawaabno; marka hore aan wax iska wayddiinno macnaha erayga ‘Diplomacy”? intaa ka dibna waa maxay Diplomatic Ties’ ama ‘Diplomatic Relations’?

Diplomacy waa hab-dhaqan dawli ah, dhinaca kalena waa cilmi maaddi ah oo siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ku hoos jira (sub-discipline). Diplomacy macnaheeda siyaasiga ahi waa sida dalalka adduunka ee golayaasha caalamka ku wadajiraa ay ugu wada macaamili lahaayeen channels gaar u ah oo leh hab-maamuus khaas ah (special protocol).

Channels gaar u ah waxa aan ka wadaa lahaanshiyaha xafiisyo iyo wakiillo labo dhinac ah oo dano la yaqaan oo ku taxalluqa iskhaashi amni, siyaasad ama ganacsi si toos ah u ga wada shaqaynaya.

Diplomatic Ties waxa ay labo dal yeelan karaan keliya marka ay is-dhaafsadaan safaarado, xafiisyo ganacsi iyo wakiillo si ay ugu wada macaamilaan hab diplomaasiyadeed oo hab-maamuuskeedu sugan somaliayahay labada dhinacna aqoonsan yihiin.

Soomaaliya waxa ay sheegtay in ay jartay xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee Guinea iyada oo aaney jirin safaarado, xafiisyo ganacsi oo labada dhinac ay hore isku waydaarsadeen.

Waa run in Soomaaliya iyo Guinea ay ku wada jiraan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo golayaal kale oo caalami ah. Laakiin taa macnaheedu ma aha in ay leeyihiin Channels u gaar ah oo leh hab-maamuus u khaas ah oo labada dhinac ay ku macaamilaan. Lahaanshiyaha Channels kaa u gaarka ah ayaa la yidhaa Diplomatic Relations/Ties.

Marka se aaney lahayn diplomatic channels, waxa ay ku macaamilayaan xeerarka caalamka (international treaties and norms) ee heshiiska la gu wada yahay ee labada dhinacba ay hore u saxeexeen sida kuwa UN & AU kuwaas oo aan marnaba noqon karin official.

Sidoo kale loo ma adeegsan karo haddii isku dhac yimaaddo in la isku jaro xidhiidh diblomaasiyadeed oo aan marka horeba labada dhinac aan ka dhex jirin . Sababtoo ah Diplomatic Relations waa wax ka dhexeeya oo u gaar ah labo waddan waxana ka kow ah iswaydaarsiga wakiillo, safaarado ama xafiisyo xidhiidh shaqo u qabta labada dhinac.

Sidaa daraateed, xidhiidhka dawladda Soomaaliya ay u jartay Jmhuuriyadda Guinea garashada diblomaasiyadda iyo luqadda hab macaamilka gaarka ah ee dunida waxa uu ku noqonayaa wax aan jirin oo waali u eg. Sida uu ku dooday wasiir Cawad ma aha si sax ah waana wax la gu qoslo in dal aydaan wadaagin diplomatic channels aad u jarto diplomatic ties!

Maxamed Xaaji MaxamoudMo Haj

COMMENTS