CABAYS.COM
Sucuudiga Oo Shaaciyay Tiro-Koobka Xujayda 25-Kii Sano Ee Ugu Dambeeyey Xajka Tagay Iyo Tirada Illaa Hadda Sannadkan Timid
August 7, 2019 - Written by Cabays

Jeddah (Cabays Media)- Wasaaradda diinta iyo awqaafta iyo ammuuraha xajka Ee Waddanka Boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegtay in ilaa shalay ay goobaha barakaysan ee acmaasha xajku ka dhacayso ay soo gaadheen dad ka badan 2 Milyan oo xaaji oo isaga kala yimid daafah adunida.

Mamaamulka Magaalada Barakaysan ee Makka Al Mukarrama waxa ay sheegeen in ilaa imika ay soo gaadheen dad ka badan 1.775,000 oo qof, kuwaasi oo ah xujaaj ka kala timid daafaha dunida waxaanay sheegeen ugu yaraan hal Milyan iyo 700 oo qof in ay dhinaca cirka ka soo galeen boqortooyada sucuudiga, halka 17 kun oo Xaaji ay ka soo galeen dhinaca badda sidoo kalena dad ka badan 93-kun oo qof ay iyaguna dhulka soo mareen.

25-kii sano ee ugu dambeeyey dadka xajka soo gadhay waxa ay dawladda sucuudigu ku sheegtay in ka badan 54.465.253 iyada oo 10-kii sano ee ugu dambeeyey Xujaajta soo gaadhay Sucuudiga ay tiradooda ku sheegeen 23.796.977 oo Xaaji.

Berri oo Khamiis ah, Jimcaha Iyo Sabtida ayay Xujaajtu gudan doonaan saddex maalmood ee ugu badan Acmaasha Xajka waxaana la filayaa in Xujaajtu Sabtida is taagaan buurta Jabal Carafa oo ah rukniga ugu weyn Arkaanta Xajka.  Dad badan oo Soomaali ah ayaa sannadkan sidii horeba waxa ay gudanayaan acmaasha Xajka.

 

 

COMMENTS