CABAYS.COM
Suldaan Maxamed Oo Tallooyin U Soo Jeediyay Madaxweynaha
September 13, 2020 - Written by Khalid King

(Cabays Media) – Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay Shirweynaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE, waxaanu tallooyin u soo jeediyay Madaxweyne Biixi iyo siyaasiyiinta ku loolamaya hoggaanka KULMIYE.

 

“Raggaasi waxaan leeyahay Cidna ha uga tagina, Raggiinii xisbiga Kulmiye soo dhistay inaad Cid uga tagtaan Maaha, markaa qoladan waxaan ku dardaarayaa in aanay shirka hawl yaraan uga bixin oo ay galaan shirka Kulmiye, si ujeeddadooda uu Dadku saani u fahmo.” Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

 

 

Suldaanku waxa uu intaas ku daray,  “Qofkii wax afduubta waa laga ridi karaa, laakiin haddaad uga baxdo waxbuu afduubay waa khalaas oo Adigiina faa’iido ma lihid, laakiin wixii lagaa dhaco waa inaad soo dhacsataa. Farriintaydu waxa weeyaan, xisbigaasi inaanu baaba’in, oo aanu u baaba’in Muuse Iyo Acyaanta kale ee la socota.”

 

 

Cabays news.com

COMMENTS