CABAYS.COM
Tacsi: Eng. Rashiid Muxumed Calisalaan oo Turkiga ku geeriyooday
April 17, 2019 - Written by Cabays

Cabays

Tacsi:

Allah ha u naxariistee waxaa dalka Turkiga kugeeryooday Allah ha u xariistee Eng Rashiid Muxumed Cali salaan.إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ‎

Wuxuu ahaa shaqsi aad u wanaagsan oo qadarin iyo mudnaan ku lahaa bulshada uu la noolaa ee Reer Somaliland. Marxuun Rashiid waxaa lagu xasuusandoonaa waxtarkii u xirfadiisa ugu hagar baxay qaranka JSL, isagoo hay’ado dawli ah oo ay ka mid tahay Hawlaha Guud uu si hagar la’aan ugu soo shaqeeyey xiliyo kala duwan 27kii sano ee u dambeeyey.

Eng. Rashiid ayaa ka mid ahaa ragii hirgaliyey in diyaarada lagu xuso xasuuqii taliskii Siyaad Barre, ee ku taal Khayriyada Hargeysa, xiligaas oo la shaqayn jiray duqii Hargeysa, Cawl Cabdalla oo xiligaa diyaarada la saaray fagaaraha.

Angoo ah dhamaan bahda Cabays Media iyo qoysaskoda, waxaan tacsi gaadhsiinayaa dhamaan Reer Muxumed Calisalaan meel.kastay joogaan iyo ehel iyo asxaab, iyo sidoo kale qaranka JSL ee uu sida hagar la’aanta ah ugu soo shaqeeyey.

Allah marxuunka godka ha unuuro. AAMIIN YAARABI

Salaan

COMMENTS