CABAYS.COM
Taliyaha Cusub Ee Ciidamada Maraykanka Ee Hawlgalka Afrika AFRICOM Ayaa Qorshaynaya Safar Uu Ku Tago Magaalada Muqdisho
July 27, 2019 - Written by Cabays

Stuttgart  (Cabays Media)- Taliyaha Cusub ee Hawl-galka Milliteriga Maraykanka ee AFRICOM, Jeneral Stephen Townsend oo shalay la wareegay Xilka ayaa sheegay inuu booqasho ku tagi doono caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, si uu ugu kuur-galo hannaanka Hawl-galka AFRICOM ka wadaan Somalia ee ay kula dagaalamayaan Alshabaab iyo Daacish-ta Somalia.

Jeneral Stephen Townsend oo shalay ka hadlay Munaasabad lagu qabtay Xarunta dhexe ee Hawlgalka AFRICOM ku leeyihiin magaalladda Stuttgart ee dalka Jarmalka waxa uu ku nuuxnuuxsaday inuu ku qanacsan yahay Hawl-galladda ay Milliteriga Maraykanku ka wadaan Somalia, isagoo ammaanay hawlihii ay qabteen Taliyayaashii isaga uga horreeyey Hoggaaminta AFRICOM.

Jeneral Stephen Townsend ayaa sheegay inuu Socdaalkiisii ugu horreysay isbuuca soo socda ku tegi doono dalalka Bariga Afrika, halkaasi oo ay Maraykanka ka soo wajahayaan Xaallad Adag oo Ammaanka oo ay Somalia ka mid tahay.

Isagoo la hadlayey Wargeyska Stars and Stripes waxa uu xusay inuu si taxadar leh u qiimeyn doono wax kasta oo uu Taliska AFRICOM sameeyey, isla markaana uu dejinayo qorshaha Hawl-galka Somalia.

Mar wax laga weydiiyey haddii uu qorsheynayo isbedel uu ku sameeyo Hawlgalladda Milliteri ee ka socda gudaha Somalia, waxa uu sheegay inuu qiimeyn doono wax kasta oo ay AFRICOM samayso.

“Waxaan ku faraxsanahay waxa uu Taliska AFRICOM ka samynayaan Somalia, balse, Ka Taliye Cusub ahaan waxa aan u socdaa inaan sameeyo waxa ay dhamaan Taliyayaasha sameeyeen” ayuu yiri Jeneral Stephen Townsend.

Waxa uu intaasi ku daray inuu  doonayo inuu Dib-u-eegistiisa iyo Aragtidiisa  ku socodsiiyo Hawlgalka AFRICOM ka wadaan Somalia.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay Milliteriga qaab taxadir leh u qaadi doonaan Duqyemaha Diyaaradaha ee ay ka wadaan Somalia, si loo yareeyo khasaaraha dadka rayidka ka soo gaara Duqeymahaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Taliska AFRICOM waxay Somalia ka fuliyeen sannadkan 46 Duqeymo Diyaaradeed oo ay la beegsadeen Deegaanadda ay ku xooggan yihiin Alshabaab iyo Daacish-ta Somalia.

COMMENTS