CABAYS.COM
UK oo noqotay dalkii ugu horeeyey ee isticmaalaya talaalka xanuunka COVID19 – Yaa lagu khasbayaa in ay qaataan talaalkaa?
December 2, 2020 - Written by Cabays

 

Talaalka (vaccine) COVID19

Cabays Meida – (Arimaha Xanuunka COVID19) –  Dalka UK waxa la ansixiyey isticmaalka talaal lagaga hortagayo xanuunka COVID19. Talaalkana oo ay sameeyeye khuburo UK jaamacada Oxoford, mudooyinkii ugu dambeeyeyna la hadal hayey, ayaa si rasmi ah loo shaaciyey in la bilaabi doono todobaadka dambe talaalkaasi.

Talaalka COVID-19) ee UK ayaa lagu sheegay mid buuxiyey dhamaan shuruudihii caafimaadka iyo in la hubiyey in aaanu wax halis ah lahayn, tayadiisuna ay aad u sarayso, taas oo ay hubisay hay’ada UK sharciyeysa Dawooyinka & Agabka Daryeelka Caafimaadka ee la yodhaa Medicines and Healthcare products Regulatory Agency (MHRA).corona-virus

 

 

 

 

 

 

 

 

Sidee yahay badqabka talaalkani?

Talaalkasta oo la ansixiyey in loo adeegsado xanuunka COVID19 iyo xanuuno kaleba waa mid la mariyo baadhitaan iyo tijaabooyin dad lagu soo tijabiyo, taasina waxa ay keenaysaa in la asiibo badqabka talaalka. UK waxa aya ka mid tahay dalalka leh nidaamka caafimaad iyo dawooyin oo leh heer sare oo nidaam lagu hubiyo, lagumana deg dego isticmaalka talaalada ilaa ay hubiso hayada MHRA, hay’adaas oo si talaabo talaabo ah ula socotay soo saarida talaalka COVID19.

Kumanaan ayaa hore loogu tijaabiyey talaalkan COVID19 dalka UK, waxaana la sheegay in aanay jirin saamayn taban iyo xaalad caafimaad oo xun midna kuma yeelan.

Yaa lagu talaalayaa?

Shaqaalaha caafimaadka ee NHS ee UK ayaa ugu horaynayaa kuwa lagu bilaabayo. Sidoo kale waxa lagu xigsiinayaa dadka nugul , sida waayeelka caafimaadku liito iyo dadka la nool xanuunada aan guurin, ama loo sameeyey qaliinada iyo abaqaalka, sida wadne badaal, kalyo badal iwm. Dadka waayeelka ha ee ka weyn 80 jirka ayaa culayska la saarayaa.

Hase ahaatee waxa go’aamin doona cida lagu bilaabayo hay’ada la yidhaaJ oint Committee on Vaccination and Immunisation (JCVI).oo ah gudida talaalka iyo turuqa.

UK secures 2 million more doses of Moderna coronavirus vaccine

Moderna waa shirka ka mid ah kuwa ku guulaystay talaalka COVID19

Illustrative picture of coronavirus vaccine under trail

Waa sawir muujinaya xiligii talaalka la tijaabiyey

 

 

 

 

 

 

 

Ilaa hadda laba shirkadood ee Pfzer/BioNtech & Moderna ayaa ugu weyn wax soo saaray talaal lagaga hortago waxyeelada COVID19 . UK wax aya dalbatay afartan miyan oo talaal ah mudo sanad ah gudihii, iyadoo tobanka milyan ee ugu horeeya hore loo soo gaadhsiinayo si loogu talaalo inta nugul iyo hawl-wadeenada caafimaadka.

 

UK set to approve Pfizer-BioNTech Covid vaccine within days | Financial  Times

Pfizer waa shirkada UK isticmaalayso talaalkeeda COVID19

COMMENTS