CABAYS.COM
Waa foolxumo kale habka heshiiska Xisbiyada JSL ee khilaafka Doorashadu
July 27, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabayse Media (Aragti xul ah)  – Waa qormo  uu qoray C/laahi Maxamed Cali oo iftiiminaysa foolxumada ay ku aroorto qaabka ay u heshiiyeen saddexda Xisbi Qaran ee JSL oo 8 qodob ka gaadhay in ay ku soo afjaraan ismari waagii hanaanka doorasahda lagu galayo.

Dareen Muwaadin:

Waa war wanaagsan in is-mari-waagii khilaafka abuuray ee qabkii doorashada Golayaasha loo gali lahaa oo ay ugu weynayd in wax laga badalo tiraada Gudida Doorashooyinka Qaranka JSL ay heshiis ka gaadhaan 3da Xisbi ee UCID, Kulmiye iyo Waddani

Laakiin heshiiska qodobadiisa marka laga yimaad waxa anigu aan u arkay maanta kulankii ay ku shaaciyeen heshiska 8da qodob ka kooban mid aad u fool xun, oo qaranka JSL meel ka dhac ku ah.

Waayo iweydii?

Qiyaastii ku dhawaad 10 sano ka hor (2009kii) ayey sidan oo kale khilaaf u eekaa markii xisbigii mucaaridka ahaa xiligaa ee ugu fadalo cadaaa ee Kulmiye la soo taagnaa in la kala diro gudidii doorashooyinka ee qabtay doorashadii lagaga adkaaday sanadkii 2003dii. Ku adkaysigaa xiligaa ee Kulmiye waxa uu keenay in dawlado shisheeye dhexdhexaadiyeen, iyadoo abwaanadii, culimadi iyo waxgaradkii Somaliland ee sidoo kale isku dayey in ay dhex dhexaadiyaan xukumadii UDUB iyo Kulmiye oo mucaarid ahaa ay ixiraami waayeen, balse dawlado lacago inoogu yabooha xiliyada doorashadu soo faragaliyey khilaafkii.

AMA

Maanta ma ahayn in haddana dawlado shisheeye ay arimaha JSL oo khabiir ku ahaa sida loo furdaamiyo khilaafyada in mar kale xubno shisheeye ahi dhexfadhiyaan 3da xisbi oo ay heshiis ka soo wada saraan, hortoodana ku saxeexaan, sidii oo ay iyagu u yeedhiyeen..

Anigu aad baan u diiday arinkaa, fool xumada noocaas ahna waxa aan u aanaynayaa midi-midi ku taagtii ka dhax oognayd xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, oo labaduba hore u ogaa wixii la soo maray, ayna ahayd in ay karaamada umada ilaaliyaan oo aan JSL laga dhigin meel madaxdeeda kuwa shisheeye qoorta soo qabto oo la heshiisiiyo.

Waa fool xumo u galaysa taariikhda, waana mid uu xisbiga Kulmiye 2 jeer ku celiyey, xisbiga Waddani na ka baran waayey taariikhda khilaafyadii hore ee aynu hore u soo aragnay.
Siyaasiyiintu yaanay kolba inoo saarin cajalado hore, ee ha keenaan caqli cusub oo umada ku haga hiigsi cad oo hiimilo horu socod ah leh.

Qodobada ay maanta sidii oo shisheeye qoorta soo qabtay wada saxeen,bari yaanu noqon mid haddana khilaaf ka yimaad, dibna ugu dhigaan xuquuq muwaadin lee yahay in uu wax doorto, lana doorto.

Waa aniga iyo rayigaga, ragna weynu aragnaa maanta!

…………………………………………………………………………………………………………………………………………..

Cabays Media waxa uu soo dhaweynayaa wixii qoraalo ah ee xambaarsan aragriyo kala duwan. K usoo hagaaji qoraalada ciwaankan. Editor@cabays.com

COMMENTS