CABAYS.COM
Waa Sidee Xaalada Maanta ee deegaanka Tuka-raq iyo wararkii ugu dambeeyey
May 26, 2018 - Written by Cabays

Cabays Media (Cabays Media) Wararka ka imaanaya deegaanka Tuke-raq ayaa sheegaya in saaka xaaladda ay degantahay kadib dagaal adag oo ku dhexmaray ciidamada duulaanka ah ee Puntland iyo kuwa difaaca kaga jiray Tukaraq ee Jamhuuriyad Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa soo bandhigtay Ciidamo gaadhaya 120 askari oo ka soo goostay maamul gobolleedka Puntland iskuna soo dhiibay dhanka Somaliland.

Dhan kale wasaaradda amiga Puntland ayaa sheegtay in qofkii ka tirsan Shaqaalaha dowladda ama ciidanka ee la ogaado inuu gudbinayo macluumaadka iyo sawiro ama muuqaalo ku saabsan ciidanka uu mutaysan karo xabsi ama dil.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar kale  u muuqday mid in uu diray baaq nabadeed, isaga oo Jmcihii hadlayey ayaa yidhi “Waxaan rabaa inaan baaq u jeediyo dadka Soomaaliyeed ee dhiigga ku daadinaya magaalada Tuka-raq. Waxaan leeyahay xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo. Waxa dhimanaayo waa wiilal Soomaaliyeed. Annagu ka dowlad ahaan wixii karaankeenna ah waan sameynay. Waan isku daynay Alle hortiisa inaan baajinno dhiigaas.”

Beesha caalamka iyo iyo hey’adaha baaqa diray waxaa ka mid ah UN, African Union, European Union, (IGAD), Belgium, Denmark, Ethiopia, Finland, Germany, Ireland, Italy, the Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, the United Kingdom iyo the United States ayaa soo-jeediyay wadahadal in wax lagu dhammeeyo iyaga oo intaasi raaciyay in arrintan uga dari karto xaaladda banii’aadnimo ee duufaanta sagar oo goobtaan ka jirta

Somaliland oo Caalamka u baaqday

Sida uu sheegay Wasiirka Arimaha Dibada Jam. Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire waxa ay u gidbiyeen dawladaha daneeya arimaha Somaliland iyo Soomaaliya baaq la xidhiidha in ay cadaadis ku saaraan dawlada Federaalka Somalia iyo Puntland oo isku dhan ah oo dagaalka k uhaya Somailand gudaheeda.

Wasiir Sacad ayaa yidhi “Beesha Caalamaka waxa aanu ka codsanay in ay cadaadis ku saaraan Somaliya iyo Puntland in ay joojiyaan dagaalkaasi iyo weerarkaa qaawan, iyo qalalaasaha la galinayo dadka Sool oo maanta u baahan waxbaqd, horumar, dugsiyo  iyo shaqo, uma baahna colaad”

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa sheegay in dhankooda ay ka wadaan dagaal in caalamku cadaadis ku saaro Soomaaliya  si ay u joojiso dagaalka ay Puntland u adeegsanayso.

COMMENTS