CABAYS.COM
“Wada-hadalladii Somaliland Iyo Somalia Waxay Saamayn Ku Yeesheen Dhamaystirka Dastuurka” – Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay
May 23, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (New York- US) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay xukuumadda Soomaaliya iyo dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah inay wadashaqeyn dhaw yeeshaan.

Arrimahaasi ayaa waxaa lagu sheegay kulan gaar ahaa oo goluhu uu kaga hadlayay dhacdooyinkii waaweynaa ee Soomaaliya ka dhacay muddadii u dhaxaysay 14-Diseembar 2018 ilaa 4-tii bishan May 2019.

Raisedon Zenenga oo ah ku xigeenka madaxa xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa golaha ammaanka u sheegay in howlgalka UNSOM uu sannadkan ugu billowday dhibaatooyin dhanka amniga ah oo ay kamid yihiin weerarkii lagu qaaday Xalane iyo qalalaasaha siyaasadeed ee horseeday in dowladda Soomaaliya ay dalkeeda ka eridday wakiilkii xog-hayaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom.

Waxaa uu sheegay inay sameeyeen dadaallo siyaasadeed oo dib loogu soo celinayo xiriirkii kala dhexeeyay dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Waxaa loo soo jeediyay dowladda Soomaaliya inay ku tallaabsato qodobadan soo socda.

Sirddoonka

Safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa ka codsaday beesha caalamka in dowladda Soomaaliya ay taageero dheeraad ah ka siiyaan xoojinta arrimaha amniga iyo dib u dhiska ciidammada.

Yao Shaojun ayaa ku baaqay in dowladda Soomaaliya loo fidiyo taageero dhinaca sirddoonka ah.

“Ammaanka Soomaaliya waxaa uu muhiim u yahay dalalka Geeska Afrika, xoojinta xasiloonida iyo amniga dalka waxay dan ugu jirtaa dalalka Gobolka iyo guud ahaan beesha caalamka” ayuu yiri safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobey, Yao Shaojun xilli uu la hadlayay golaha ammaanka.

Wadashaqeyn QM & Dawladda Soomaaliya

Ku-xigeenka xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga ayaa kula taliyay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyad Soomaaliya inay xoojiyaan xidhiidhkooda isla markaasa ay si wadajir ah uga shaqeeyaan danaha dalkooda.

Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay waajib tahay sare u qaadidda wadashaqeynta dowladda dhexe iyo maamulada si loo xaliyo caqabado badan oo ku hor gudban in heshiis ay gaadhaan. Hadalkan aya muujinaya sida ay QM  uga walaacsan tahay wada shaqayn la’aan baahan oo ka dhex jirta xukumada Villa Soomaaliya iyo kuwo maamul goboleedada.

Waxaa Golaha Barlamaanka Soomaaliya loogu baaqay inay dardar geliyaan dhaqangelinta shuruucda dalkaasi.

Abaaraha Geeska Afrika

Waxaa lasoo jeediyay in la iska kaashado taakuleynta iyo taageerada loo fidinayo shacabka ay abaaraha saameeyeen, siiba kuwa dalka Soomaaliya oo QM ay kaga hadshay xaaladooda.

Ku-xigeenka madaxa arrimaha bani’aadanimada iyo gargaarka Qaramada Midoobey, Ursula Mueller, ayaa sheegtay in 4.2 milyan qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar banii’aadanimo, kuwaas oo ay saameeyeen abaaraha iyo macluusha, inakstoo aanay sheegin deegaamada ya ku kala tabaalaysan yihiin.

Wadada hadalada Somaliland & Soomaaliya

Ku-xigeenka madaxa xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga ayaa sheegay in wadahadalladii la isku mari waayay ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Jamhuuriyada Somaliland ay saameyn ku yeesheen dib u eegistii lagu sameyn lahaa dhameystirka dastuurka dalka Soomaaliya.  Hadalkana ayaa u muuqda mid cudur daar looga dhigayo in Somalia ay dhamaystirato dastuurkii loo samaynayey, kaas aoo ay cakireen arimo badan oo la xidhiidha maamul gobleedada badan ee Soomaaliya loo sameeyey iyo 5ta madaxweyne iyo awoodahooda. Balse sobobta uu u meel mari waayey oo Qaramada Midoobay iyo caalamka looga dhigay in dastuurka Soomaaliya aan cod dadweyne loo qaaadi karin ita ay Somaliland iyo Soomaaliya dhan u kala dhicin.

Warbixintata Zenega ee arinka Somaliland iyo Soomaaliya yaa u muuqatay mid xaqiidada ka fog, waayo waxa ay ku salaysan tahay siyaasad u adeegaysa arinka Muqdisho yaala, hase ahaatee aan iftiimin xaqiiqada Somaliland ee ku wajahan midowgii ay Somaliland ka noqotay mudo 28 sano ka hor laga joogo imika. Ilaa iyo mudaasna aanay shacabiga Somaliland marna qayb ka noqon arimo siyaasadeed oo lagu maaraynayo Somalia.

Zeneg ayaa sidoo kale sidoo kale bogaadiyay hadalkii madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uu ka yiri xuska 18-ka May ee ahaa inay ka go’aantahay in Puntland ay kala shaqeeyaan arrimaha amniga, waxaana kamid ah sii deynta maxaabiista iyo in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan arrimaha amniga, gancsiga iyo waxbarashada.

sec_0

 

COMMENTS