Waddanka Liibiya Oo Masaarida Usoo Gacan Galiyey Nin Ku Eedaysnaa Argagixisanimo Oo Muddo La Baadi Goobayay + Muuqaal
May 29, 2019 - Written by Cabays
Cairo (Cabays Media)- Waddanka Masar tan iyo markii uu talada dalkaasi xukun Milatari kula wareegay Cabdifataax Al Siisi ee uu talada ka tuuray xukuumaddii Rayidka ahayd ee dadku soo doortay waxa ka bilaabmay dagaalo iyo qaraxyo gaar ahaan Gobolka Siinaay.
Mid ka mid ah haddaba raggii ay dawladda Masar aadka u baadigoobaysay ee jihaad doonka ahaa ayaa gacanteeda soo galay, ka dib markii uu ku soo wareejiyay Khalifa Xaftar oo ah janaraal reer Liibiya ah kaasi oo ninkaasi Masar doonaysay muddoba ku dhuumaalaysanayay waddanka Liibiya oo ay sannadkii hore ciidamada Liibiya ka soo qabteen badhtamaha dalkaasi.
Hishaam al-Cashmaawi oo hore uga mid noqday ciidammada khaaska ah ee dawladda Masar ayaa sannadkii hore lagu xidhay dalka Liibiya.
Dawladda Masar oo hore ninkan xukun dil ah ugu ridday ayaa baadi goob ugu jirtay isaga oo ku eedaysan weerarro dhawr ah oo lala xidhiidhinayay.
Weerarradaas waxaa ka mid ah weerarkii gaadmada ahaa ee khasaaraha badan dhaliyay ee lagu qaaday booliis ku sugnaa saxaraha Galbeed ee Masar muddo haatan labo sano laga joogo.
Waxaa kale oo loo haystaa weerar kale oo lagu qaaday ilaalo ku sugnayd xadka Liibiya sannadkii 2014. Isaga oo maqan ayay maxkamad Masar ku taalla ku xukuntay dil.
Hisham al-Ashmawy ayaa la soo wareejiyay ka dib markii madaxa sirdoonka Masar uu booqday Janaraal Khalifa Xaftar dhawaan kaasi oo u ballan qaaday in uu gacanta ka soo galin doono waddanka Masaarida.
Halkan Ka Daawo Hishaam Oo Laga Soo Dejiyay Qaahira: