CABAYS.COM
Madaxweyne Farmaajo oo dagaalka Tukaraq Beesha Caalamka taageero uga raadinaya
May 26, 2018 - Written by Cabays

Cabays Media (Hargeysa- JSL) Sida ilo hoose oo ku xidhan dawlada Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ay shabakada wararka ee Cabays Media u sheegeen, dawlada Farmaajo waxa ay dalbatay in laga caawiyo sidii dagaalka Tukaraq  loo joojin lahaa iyadoo Jamhuuriyada Somaliland lagu cadaadinayo in ay difaaca deegaanada Tukaraq joojiso, ciidamadeedana kala baxdo.

” Madaxaweyne Farmaajo waxa uu aad u dareensan yahay sida ay awood buuxda u leedahay Somaliland in ay xuduudeeda gaadho, gaadhistaasina waa ta keenaysa in ay sii xaqiijiso qaranimadeeda, taasina waa ta aanu liqi karin Farmaajo” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah masuuliyiinta u qaabilsan Ururka ay ku bohoobeen dawladaha daneeyaa arimaha Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweyne Farmaajo oo xukumadiisa ay amaankeeda gacanta ku hayaan ciidamo ajaanib ah oo u badan kuwa AMISOM oo ururka AU dalal ka mid ah laga keenay, ayaa dagaalka Tukaraq waxa uu tusay sawirka dhabta ah ee awooda ciidamada Somaliland oo in ka badan 539.4 km u jirta caasimada Somaliland ee Hargeysa ay ciidamadu si sahlan ugu fidi karaan xuduuda Somaliland ay la leedahay dalka Soomaaliya.

Dagaalka Tukaraq waxa uu astaynayaa in Somaliland difaacan karto xuduudeeda iyo in kale, sidoo kale dhanka magaalada Muqdisho iyo madaxweyne Farmaaja waxa dagaalka Tukaraq u yahay mid meesha ka saaraya sheegashada in ay dawlad u yihiin deegaamadaasi, maadaama Puntland oo iyadu ah ta dagaalka loo adeegsanayo ay ka mid tahay habka federaalka ah ee Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

FR

caalamka

 

 

 

 

 

Isku daygii labada jeer ee ciidamada isku jirka ah ee kuwa Puntland iyo kuwa federaalka Soomaaliya ee  dagaalka  Tukeraq ee gobalka Sool, ay isku dayayeen in ay ka hortagaan ciidamada Somaliland, ayaa dhanka madaxweyne Farmaajo waxa ay ka maarsan weyday in uu u qayshado dalalka la yidhaa wey daneeyaan arimaha Soomalida, siiba dalalka Jamhuuriyad Somaliland iyo dalka Sooomaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safiirka dawlada Maraykanka u qaabilsan dalka Somaliya xidhiidh la sameeyey isagoo ka codsaday in uu ka caawiyo sidii loo hakin lahaa difaaca ciidamada Somaliland ee deegaanka Tukaraq.

Safiirka dalka Maraykanka u fadhiya Muqdisho ayaa maalmo ka dib  dagaalkii hore ee Tukaraq ee 15 May yimid Hargeysa si uu madaxweyne Muuse uga dhaadhiciyo dalaba ah in ciidamada Somaliland dib looga qaado deegaanka Tukaraq, ahase ahaatee madaxweyne Muuse Biixi gaashaanka ayuu u daruuray, waxana la sheegay in uu hadalkaa u qaatay madaxweyne Muuse Biixi mid safiirka Maraykan uu u soo dhiinay Farmaajo.

Hase ahaatee dagaalkii 15 May ka dib, waxa dawlada Maraykana u suurto gashay in khadka telefoonka la iskugu xidho madaxweyne Muuse iyo Farmaajo, sidoo kalena khadka isna lagu soo xidhay Cabdiwali Gaas oo markii hore madaxweyne Muuse diidday in uu la hadlo.

Khadkaa telefoonka ee dawlada Maraykan isku xidhay, waxa laga wada hadlay in wax dagaal ahi dhicin, waxase diiday madaxweynaha Puntland oo si gaara hore ugu wada hadleen Farmaajo in. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la sheegay in uu ogolaaday in aanu wax weerar ah qaadin, waxase uu diiday dib uga noqoshada Tukaraq.

Hal adagayga Muuse Biixi ee uu ku diiday in uu ciidanka Somaliland dib u raro ayaa waxa ay aad uga cadhaysiisay Farmaajo,  waxaanu la saftay aragtidii ahayd in ciidamada Somaliland si kasta dib looga celiyo gabi ahaanba bari-ga iyo koonfurta gobolka Sool. Farmaajo waxa uu bilaabay in uu dagaal diblamaasiyadeed qaado.

Dagaalkii dhacay maalintii 24ka May ayaa la sheegay in uu ahaa mid isku day ah oo Cabdiwali Gaas iyo Farmaajo awood ahaan iskugu tageen, hase ahaatee uma dhicin sidii ay doonayeen, siada aanu u suurto galin kii 15kii May oo ay si kadis ah ugu qaadeen ciidamada Somaliland, sida uu madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas uu qoraalk uu kaga war-celinayo ugu diray madaxweyne Farmaajo, qoraalkaas oo ahaa mid nuqul ka mid ah dibada u soo baxay.

Farmaajo ayaa la sheegay in uu doonayo in ciidamo AU ah la keeno  deegaanka Gobolka Sool qaybta ay Puntland ciidamadeedu joogaan. Sidoo kale waxa la sheegay in uu qaban qaabinayo wafti ka isk ujir ah oo ka kooban AU, IGAD iyo Qaramada Midoobay, kuwaaso oo uu doonayo in ay u ansixiyaan ciidamo shisheeye oo dhanka Puntland la keeno oo ay kharashkoodana bixiyaan.

Dagaalka Tukaraq ayaa madaxweynaha Soomaaliya walaaca uu ka qabaa ay tahay in Somaliland saani xuduudeeda u wada sugto, tanina waa ta ugu weyn ee madaxweyne Faramaajo ku keentay walaaca, soona galisay dagaalaka oo uu kaga jiro dhanka dhaqaalaha, qaban qaabo ciidamo qaab beeleed ku salaysan iyo sidoo kale istic maalka dhanka dublamaasiyada isagoo isku muuinaya in y yahay madaxweynaha dhulkoo dhan xukuma.

Arinkan ayaa wax ka dhawaajiyey madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Muuse Biixi oo maanta shirjaraa’id ku qabtay madaxtooyada, kaas oo ku sheegay in uu dagaalka Farmaajo xaga dambe ka wado, doonayana in uu caalamaka u tuso in uu isagu yahay ka maamula dhulka Somaliland.

Dagaalka Tukaraq ayaa haatan galay dhanka diblomaasiyada iyo sidii labada dhan, waa Puntland oo dalka Soomaaliya ah iyo Jamuuriyada Somaliland ay mid ba dhankiisa dacwad uga gudbin lahaa arinka dagaalka.

Waxase la eegaa ilaa heerka uu gaadho qaybta uu ku lee yahay Farmaajo dagaalka Tukaraq oo uu dhankiisa ka galay dagaal aanu waxba ula hadhin.

La soco warbixino ku saabsan dagaalka Tukaraq oo galay heer cusub oo dhanka diciifinaya dhana xoojinaya – dhanka uu diciifiyey iyo ka uu xoojiyey oo aan warbixin idiinka diyaarin doono.

COMMENTS