CABAYS.COM
Waftigii Somaliland ee booqashada ku joogay dalka Maraykana oo Xarunta UNta lagu qaabilay
December 12, 2018 - Written by Cabays

Cabays Cabays Media (New York) –  Waftiga uu higaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon ayaa kulan kula yeeshay gudaha xarunta guud ee Qaramada Midoobay ee magaaladda New York Kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca arimaha siyaasadda Tayé-Brook Zerihoun.

Mudo todobo sano ah waa markii ugu horaysay eewafti xukumad Somaliland ah ka socda lagu qaabilo xarunta Qaramada Midoobay, kulana la qaataan xubnaha ugu muhiimsan ee dhanka siyaasada.

Waftiga uu hogaaminayo wasiirka Arimaha Dibada ee Jam. Somaliland ee doorkan ku sugan dalka Maraykanka ayaa sidoo kale hore u soo maray magaalooyinka Washington DC oo ay kulano muhiim ah kula yeesheen xubno kala duwan oo ay ka mid yihiin masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Arimaha Dibada iyo xubno ka mid ah Aqalka Senadka ee dalka Maraykanka.

Wafti

 

 

 

 

 

 

Hase ahaatee la kulanaka Tayé-Brook Zerihoun waa madaxa xafiiska ugu muhiimsan Qaramada Midoobay ee qaabilsan siyaasadda, kaas oo ay kala hadli karaan arimo badan oo Somaliland ka tabato  Qaramada Midoobay ururadooda ay ka mid ka yihiin UNDP oo mararka qaar isku dayda in ay Somaliland ku milaan Soomaaliya.

Waftiga Faratoon ayaa la eegayaa waxa ay kala soo noqdaan dalka Maraykanka oo ay haatan marayaan magaalada New York oo xarun u ah Qaramada Midoobay.

 

COMMENTS