CABAYS.COM
Waftigii Somaliland ee UCID & Kulmiye ee ku sugnaa dalka Kenya oo kulan qarsoodi ah la yeeshay C/raxman C-Shakuur oo mucaarid xoogan ku ah Farmaajo
May 22, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media ( London – UK)  Baraha bulshadu isku weydaarsato rayiga iyo doodaha iwm ee Facebook la yidhaa waa la soo dhigay sawir muujinaya kulan ay wada qaatee waftigii Somaliland ee ku sugnaa dalka Kenya iyo hogaamiyaha sida aadka ah uga soo horjeeda dawlada Farmaajo, Cabdiraxman Cabdishakuur.y:

Kulanka sawirki muujinayo ayaa umuuqda mid qarsoodi ah, sawirkana looga qaaday qaab qarsoodi ah.

Sida sawirka ka muuqata waxa loo wada fadhiyaa qaab la isku sansaanbanaan yahay, oo aad moodid in la wada arinsanayo.

Su’aashu waxay tahay maxay ka wada arisan karaan, maxaase wada kulmin kara?

Waxa ay ka wada arinsan karaan xoojinta dhan uga wada soo jeedsashada Maxamed C. Farmaajo iyo xukumadiisa oo laabadan dhan ee kulmayba ay dagaal-siyaasadeed ka dhaxeeyo.

Waxa wada kulmin kara qorshe ay meel uga soo wada jeedsan karaan dawada madaxweyne Farmaajo, wax-is weydaarsi ku qotoma xaaladaha cusub iyo waxa mid waliba dhankiisa u doonayo.

Kulankan noocan oo kale ma aha mid cusub in madax Somaliland ahi xidhiidh la samayso xubno mucaarid ku ah dawlad Somalia.

Allah u naxariistee waxa siyaasada xidhiidh la yeelashada xubnaha ku mucaaridka ah dawlad Xamar aad u isticmaali jiray marxuun Maxamed X.I Cigaal.

Waxa aan xusuustaa Hutel-ka Hargeysa Club oo lagu soo dajiyey hogaamiyihii Cusman Caato oo mucaarid ku ahaa Xuseen Caydiid, laakiin markan Hargeysa lagu soo dhaweeyey waxa uu mucaarid ku ahaa dawladii Soomaaliya loogu soo dhisay Carta- dalka Djibiouuti, oo dagaalkii ug horeeyey ee dawlada lagu sheego Federaal oo Somalia ah iyo Somaliland uu ka bilaabmay.

Taa macnaheedu ma aha waa arin la iskiu raacayo in xubno madaxda Qaranka JSL kulano qarsoodi ah la yeeshaan xubno dalka Somalia oo aan ogolayn jiritaanka SL, hase ahaatee la kulanka Cabdiraxman Cabdi Shakuur waa mid noqon karta siyaasadii Cigaal oo ay is ticmaalayaan UCID iyo Kulmiye.

Laakiin waxa aan aad u daremayaa in khadkana C- Shakuur uu soo xidhay Gud. Faysal Cali Waraabe oo aan aamisanahay in uu yahay masuul xusbi qarann ka ugu dhow siyaasiyiinta Somalia.

Hase ahaatee haddii halkaa Faysal iyo M-Kaahin gudoomiye Cirro fadhiyi lahaa, waxa ay inoogu sheegi lahaayeen in uu xidhiid nooc kale ah la lee yahay Somalia Gud, Cirro.

Waxase inoo muuqata in meeshaa xidhiidh jiro iyo cida xidhiidhkaa wada ee dhanka Somaliland.

Waxa aynu eegi doonaa mid waliba hadhow sida uu u sharaxo kulankan oo sida aan xog ku hayo aan ahayn kii ugu horeeyey.

Qore Cabdillahi M. Cali

Image may contain: 2 people, people sitting and text
COMMENTS