Wakaalada Biyaha Hargeysa oo gacan ganacsade lagu wareejinayo
November 27, 2024 - Written by Cabays
Cabays Media (War culus): Wakaalada Biyaha ee Hargeysa oo gacanta ku haysa hanti-qaran, waxa lagu wareejinayaa shirkad uu leeyahay ganacsade Maxamed Aw Siciid. Waxa ay la wareegidoonaan dhamaan ceelashada Kalqoray iyo Geed Deeble. Waxa ay noqonaysaa shirkad sida ta Sompower u shaqaysa oo dadka iyadu biyaha siisa, goysana qiimaha biyaha. Waxa lagu wareejindoonaa marka uu xilka la wareego madaxweynaha cusub ee wasaarada ay khusayso isla meel dhigaan qaabka iyo heshiiska Ceelasha Hargeysa ka cabto iyo dhamaan goobaha sii waraabiya caasimada ee ku xidhan khadka biyaha Kalqoray iyo Geed Deeble la qiimeeyo waxa ay taagan yihiin iyo waxa kale ee lagu kordhinayo.
Ganacsade Maxamed Aw Siciid hore ayuu lacag ugu deegay dhaamka Kalqoray.Ku wareejinta ceelasha Hargeysa waraabiya waxa la sheegay waa kamid arimaha ay isku seegeen madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Muuse Biixi Cabdi. Lama sheegin in laga iibinayo ganacsadaha iyo in xukumada cusub ee Madaxweynaha la doortay ay la yeelanayso shirkada lagu wareejinayo.
Ma cada waxa laga yeelayo beeralaydii hore dan qaran looga qaaday dhulka ceelasha laga qoday Kalqoray iyo dhuumaha soo mara beerahooda haddii Wakaalada Biyaha laga dhigo mid shirkad faa’iido doon ah si gaar ah u maamula,sida warshadii laydhka ee Hargeysa oo shirkada Sompower hore loogu wareejiyey.”
Waa Cabays Media ka soo xigtay xubin xogogaal ah oo ka mid ah raga ka agdhow madaxweynaha la doortay oo ii sheegay in ganacsatadii taageertay ololihii xisbiga Waddani ay badal iyo abaalgud ku helayaan arimo ay ka waayeen xukumadii Kulmiye.Haddii tani dhabowdo, waxa ay noqonaysaa in shacabka
Hargeysa soo wajahdo helista biyo qiimahoodu sareeyaan sida laydhka oo shirkada ugu weyn ee Sompower ay qiimaha ku dalacday iyadoo sidoo kale hore loogu wareejiyey khadkii laydhka dawlada iyo xaruntii laydhka ee Hargeysa xiligii dawladii Axmed Siilaanyo ee xibsiga Kulmiye. Wakaalada Biyaha Hargeysa waxa maalaayiin lacageed oo deeg ah galiyey KfW Development Bank, oo dalka Jarmalka xukumadiisu leedahay. Kaas oo ka caawiyey in Hargeysa yeelato biyo ku filan, inkastoo aanay wali lacagtaasi wada kafayn, waase mid la galiyey qaranka oo aan la galin shirkada gaar loo leeyahay ee hadda la sheeagyo in lagu wareejinayo hantida iyo adeega intaa leeg.
Somaliland ma laha hay’ad gacansatada iyo shacabka u dhaxaysa oo ku ilaalisa qiimaha laydhka iyo adeegyada kale oo ilaaliya xuquuda macaamiisha. Haddii ay arintaa sare dhacdona waxa ay noqon doontaa “Isbadal” kii ugu weynaa ee shacabiga Hargeysa dareemaan ee xukumada cusub, taas oo si weyn u saamayn doonta noloshooda oo ay horeba ula daalaa dhacayeen qiimaha xad dhaafka ah ee laydhka iyo adeegyada kale ee shirkaduhu bixiyaan, sida Internetka iwm.Wakhtiga ayaase sheegi waxa ka hirgala warkaa.