CABAYS.COM
Wakhtiga La Qabanayo Tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland Oo Lagu Dhawaaqay
September 14, 2020 - Written by Khalid King

(Cabays Media) – Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Somaliland Yuusuf Mirre Maxamed (Boos Mire) , iyo guddida qaban qaabada koobka gobolada Somaliland ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay wakhtiga la qabanayo koobka gobollada.

Wasiir Boos iyo guddida qaban qabadu waxaa ay sheegeen in 28-10-2020 la qaban doono gobollada dalka Somaliland.

 

Koobka Gobolada Somaliland ayaa isugu jiri Doona Tartanka Kubadda Cagta,Tartanka Kubadda Koleyga Iyo Tartanka Ciyaaraha Fudud oo ay marti galin doonaan Gobolka Marodi-Jeex Ee Magaalada Hargeysa.

 

Waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in koobkan ay qayb ka noqon doonaan dadka maqalka naafada ka ahi,  kaas oo bilaabmi doona 19-Bisha September-2020 lana soo geba-gabayn doono 23-Bisha September-2020 waxaana ku tartami doona laba kooxoodoo ka socda Gobolka Marodi-Jeex,Koox ka socota Gobolka Awdal Iyo Koox ka socota Gobolka Togdheer.

 

 

Cabays news.com

COMMENTS