CABAYS.COM
Walaac Soo Food Saaray Soomaaliya Kadib Markii Liiska Shaqaalaha Dawladda Ay Alshabaab Heshay!
May 15, 2019 - Written by Cabays

Muqdisho (Cabays Media) – Waxaa saacadihii ugu dambeeyay Caasimadda dalkaasi Soomaaliya ee Muqdisho kasoo Ifbaxay warar sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay heleen Liiska dhamaan Shaqaalaha dawladda ah ee Soomaaliya oo gaadhaya in kabadan 5 kun oo qof.

Qaar ka mid ah Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa maanta la kulantay dhalinyaro badan oo ka tirsan Shaqaalaha Dawladda Soomaaliya, kuwaas oo qaba walaac xoogan oo ku aadan amnigooda kadib markii ay heleen xog ku saabsan in kooxda Al-Shabaab loo gacan geliyay Liiska Shaqaalaha dawladda Soomaaliya.

Dhalinyaradaan ayaa warbaahinta u sheegay in Warbixinta ay ka heleen Xafiiska Wasaarado ay ka tirsan yihiin mas’uuliyiinta oo si cad ugu sheegay in uu jiro tuhun arrintaasi ku saabsan.

Dad kala duwan oo ay la hadashay warbaahintu ayaa sheegay in ay soo gaadhay Warbixinta noocaas ah balse aan la ogayn illaa hadda goobta laga helay iyo cidda bixisay toona.

Xubno ka mid ah mas’uuliyiinta amniga oo ay warbaahintu wax ka waydiisay ayaa sidoo kale xaqiijiyay in la soo gaadhsiiyay warbixintan, islamarkaana loo sheegay in ay aad u adkeeyaan amaanka magaalada Muqdisho si loo ilaaliyo shaqaalaha Dowladda oo ay qatar soo wajahday.

Si rasmi ah looma oga halka laga helay Liiska Shaqaalaha Rayidka ah ee u shaqeeya dawladda Soomaaliya balse waxay warbaahintu ogaatay in Liiska Shaqaalahu uu yaallay sida caadiga ahba yaallay dhowr Xafiis oo ay kamid yihiin:

  1. Xafiiska Guddiga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya.
  2. Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.
  3. Xafiiska Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre
  4. Xafiisyada hey’adaha amniga Soomaaliya sida Booliiska iyo Nabad Sugidda. Waxaa jira warar kale oo sheegaya in Liiska sidoo kale yaalo Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.

Arintaan ayaa maanta ah hadal heynta ugu wayn ee Xafiisyada Dowladda waxaana la sheegay in ay hey’adaha Dowladda Soomaaliya ee dhanka amaanka ah ay wadaan baadhitaanka arrintaan ku aaddan si loo soo hubiyo sax ahaanshiyaheeda iyo hadii ay jirto halka laga bixiyay.

Arintaan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo wali hey’ adaha amaanka Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ka wadaan baadhitaanka Shaqaalaha Rayidka ee Soomaaliya. Ciidamada amaanka ayaa Todobaadkii baadha ugu badnaan 2 Xarun oo ka diiwan gashan Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya.

COMMENTS