CABAYS.COM
War Deg Deg Ah: Dagaal Saaka Ka Dhex Qarxay Ciidamada Qaranka iyo Jabhadda Kornayl Caarre
July 27, 2019 - Written by Cabays

Ceerigaabo (Cabays Media) –Wararkii Ugu Dambeeyey ee Naga soo gaadhaya Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag waxa ay sheegayaa in dagaal cusubi maanta oo Sabti subaxnimadii hore ka dhex qarxay Ciidamada qaranka Somaliland iyo Kuwa Jabhadda Kornayl Caarre ee muddoba ku sugnaa Gobolka Sanaag.

Dagaal Culus ayaa lagu soo warramayaa in uu saaka ka dhex qarxay Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugnaa Bariga Gobolka Sanaag iyo Jabhadda uu hogaamiyo Kornayl Caare.

Wararka ugu dambeeyey ee mar dhaw na soo gaadhay ayaa sheegaya in saaka uu dagaalkani ka dhex qarxay Ciidamo ku hareeraysnaa Jabhaddan oo ku jirtay meel buur ah oo layidhaa Kulmiye. Wararka qaar ayaa sheegaya in Dagaalka ay ku horreeyeen Jabhadda Carre oo doonaysay inay iskaga baxdo Buurta Kulmiye oo ay in muddo ah ku jirtay. Sida ay noo sheegeen dad goobta ku sugani, waxa gabi ahaanba ay u suurta gashay inuu goobta iskaga baxo Kornayl Caare kaasi oo ka baxay Surin yar oo layidhaa TABCA oo ugudba dhinaca Xeebta Xiis iyo maydh halkaasi oo la sheegay in Juquraafi ahaan ay adag tahay in ay ciidamo tikniko wataa kaga daba tagaan.

Dhowr jiho ayuu dagaalku ka dhacay waxaanay wararka aanu helaynaa sheegayaan Khasaare iskugu jira dhimasho iyo Dhaawacba. Sidoo kale dad ku sugan Xarunta Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa sheegay in goordhawayd la keenay Dad Dhaawac ah. Majiro wax war ah oo kasoo baxay Dhinaca Xukuumadda iyo Ciidanka Qaranka Somaliland oo arintan faah faahinayaa.

COMMENTS