CABAYS.COM
War Deg deg ah: Xildhibaan C/raxman Talyanle oo sheegtay in uu isagu yahay Gudoomiyaha G. Wakiilada JSL ee dhabta ah
August 7, 2017 - Written by Cabays

CabaysCabays Media:– Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Talyanle oo kula tartamay xilka Gudoomiyenimo ee Golaha Wakiilada Jam. Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo ay isku deegaan ka soo wada jeedaan ayaa dib u qocday in codkii ay ku kala baxeen maalintii Axdiid ee 6/08/2017 oo cod loo qaaday si ay ugu tartamaan jagadii uu baneeyey Gudoomiyihii hore, musharax Xisbiga Waddani, C.raxmaan Cirro.

Codkiii ay Axdii kala heleen oo kala ahaa 39 Cod oo Baashe Maxamed Faarax helay iyo 38 Cod oo C/raxmaan Talyanle helay ka dib oo uu hambalyeeyey , isla markaan uu aqbalay, ayaa saacadihii dambe ee xiliga Somaliland , waxa C/raxman Talyanle soo saaray muuqaal uu ku muujinayso dareen cusub oo uu ka qaatay aqbalaadii hore, isla markaana uu ku diiday natiijadii ay kala heleen isaga iyo Baashe.

Hadalkan yaabka ah ee ka soo yeedhay

Halkan hoose ka daawo muuqaalka cusub ee uu ku dadafaynayao go;aankii hore ee isaga iyo gudoomiyihiisa xisbiga Waddani ku aqbaleen qaabkii looga badaiyey iyo aqbalaadii hore hadaladii ay ku muujiyeen kalsoonidii ay ku aqabeen codkii loo qaaday.

COMMENTS