CABAYS.COM
Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Culus Oo Ka Socda Soomaaliya
May 26, 2019 - Written by Cabays

CabaysBilis Qooqaani (Cabays Media)- Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Jubbada Hoose ee dalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwa Jubbaland iyo Al-shabaab oo dhinaca kale ahi uu dagaal xooggan ku dhexmaray deegaan ka tirsan Gobolkaas.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in xalay ay maqlayeen dhawaaqa rasaas culus, isla markaana xusay in Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Bilis Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose, Maamul Goboleedka Jubbadlanad ee dalkaasi Soomaaliya.

Hayeeshee intaasi kadib ayaa waxaa deegaanka Bilis Qooqaani ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasi oo lagu soo warramayo in uu ka dhashay Khasaaro soo kala gaadhay labada dhinac.

Saraakiisha Ciidanka Jubbaland ee ku sugan Gobolka Jubbada Hoose oo aanu xidhiidho kala duwan la sameeyay ayaa ka gaabsaday inay wax faahfaahin ah ay bixiyaan dagaalkaas.

dagaal-5-696x430

Xaaladda guud ee deegaanka Bilis Qooqaani oo hoostaga degmada Afmadow ayaa haatan degan,mana jiro wax dagaal ah oo socda, hayeeshee Ciidamada Jubbaland ayaa dhaq-dhaqaaqyo Ciidan waxaa ay ka wadan deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in dhawaan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan Al-shabaab xilli uu ku sugnaa deegaanka Baar-Sanguuni.

COMMENTS