CABAYS.COM
Wararkii ugu dambeeyey Xaalada DDSI -Bari oo ay magaaladu isla dayaamayso – maxaa ka dhacaya?
August 17, 2018 - Written by Cabays

CabaysCabay Media (Addi Ababa) Sida uu u xaqiijiyey masuul ka tirsan siyaasiyiinta ugu waa weyn deegaanka Jigjiga ee Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxa maalinta bari ah magaalada Jigjiga u ambo baxaya xubnaha ururka Dulmi Diid oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa.

Sida Cabays Media loo xaqiijiyey waxa ururka Dulmi Diid loo diyaariyey soo dhaweyn aad u weyn oo shacabak magaalada Jigjiga iyo deegaanka DDSI ay ku qaabilidoonaan. Magaalada Jigjiga ayaa looga sii diyaariyey xarunta Sayid Cabdulle Xasan oo qaada in kabadan  kun qof, iyadoo markii hore ay doonayeen in ururka Dulmi Diid uu fagaaraha garoonka Jigjiga kala hadlaan dadka, haddana xaga amaanka awgii waxa xukumada dhexe oo soo dhaweynyta qayb weyn ku leh ay u soo jeedisay in hoolka Sayid Cabdulle Xasan ee Jigjiga dadka kula hadlaan.

Talaabadan ururka Duli Diid ayaa ah guul weyn oo u soo hoyatay deegaanka DDSI iyo waji cusub oo uu galay deegaanku, waxaaba xukumadii uu ka tagey Cabid Maxamed Cumar xaga Addis Ababa lagaga soo amaray in ay soo dhaweeyaan, isla markaana aanay iska hortaagin cid walaba.

Jigj

Dhanka sixitaanka khilaafka iyo rabshadihii ka dhacay caasimada DDSI ee Jigjiga maalmihii ciidamada Federaalka Itoobiya soo galeeb Jigjiga ayaa hadda ka bilowday Jigjga waxaana la diwaan galinaya dadkii khasaaruhu soo gaadhay iyo kuwii dhaawaca iyo dhimashada loo geystay. Sida xubin hore uga mid ahaa maamulka Jigjiga u xaqiijueyey Cabays Media waxa magaalada Jigiga lagu qabtay kulan lagu dooranayo maamul cusub oo deegaan, maadaama kii hore uu ahaa mid si aanay raalli uga ahayn loogu magacaabay, isla markaana duqa magaaladu uu ahaa mar walba nin ka sooo jeeda reerka Cabdi Ilay oo loo diiday dadka deegaanka.

Tagitaanka kooxda Dulmi diid ee magaalada Jigjiga bari waxa aya bilaabaysaa bog cusub oo u furmaya deegaanka DDSI iyo caasimadiisa oo dulmi badani ka socday mudo dheer, gaar ahaan 8dii sano ee ugu dambeeyey oo tacadiyo badani ka dhaaceen/

Maalinta bari ah ayaa Jigjiga ay noqonaysaa mid heshay xoriyad marka ururka Dulmid Diid oo madnuuc ka ahaa degaanka 00 qurbaha ku sugnaayeen taageerayaashiisa badheedhay iyo madaxdiisuba ay mushaaxaan magaalada.

Waxa imaanshagooga si toosa looga daawan doonaa TV-ga ESTVE ee Jigjiga kaas oo soo lalindoona muuqaalada kulanaka madaxda ururka Dulmidii iyo bulshada magaalada Jigjiga.

COMMENTS