CABAYS.COM
Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladda Suudaan, Kacdoonkii Shacabka Oo Laban Laabmay, Saraakiil Xabsiyada Lagu Guray Iyo Arrimo Kale
April 11, 2019 - Written by Cabays

Khartuum (Cabays Media)- Kadib markii uu maanya Wasiirka Gaashaan-dhigga Waddanka Suudaan Bayaan rasmi ah ka akhriyey Telefishanka dawladda ee dalkaasi Suudaan ee uu ku sheegay in ciidamadu la wareegeen taladii waddanka waxa dad badani isha ku hayaan xaaladda ay wakhtigan ku sugan tahay Suudaan.

sida ay tibaaxayaan wararkii ugu dambeeyey ee Suudaan oo shabakadda Cabays Media idiinka soo turjuntay wakaaladaha wararka ee caalamku, Maanta goor ku beegan duhurnimadii waxa uu Wasiirka Gaashaandhigga Suudaan Ciwad Binu Cawf sheegay in ay taladii dalka la wareegeen golaha Milatariga ee dalkaasi Suudaan madaxweyne Al-bashiirna loo gudbiyay xabsiga halka dhammaan la qabqabtay xilkana laga qaaday xubnihii golaha xukuumadda Bashiir iyo la taliyayaashiisii.

Waxa haddaba soo baxaya imika bayaan ay soo saareen kooxaha Mudaharaadka abaabulaya ee shacabka Suudaan kuwaasi oo dalbanaya in ay dhammaanba saraakiisha ciidamada ee sarsare ee la soo shaqeeyey Madaxweyne Albashiir ay meesha banneeyaan oo xilka iska casilaan gole rayid ah oo dalka doorasho gaadhsiiyana loo dhiibo xilka. Iyaga oo sheegay in ay ciidanka ku kalsoon yihiin in ay xaaladda dalku galay ka saaraan oo ay amaaanka iyo dawladnimada ilaaliyaan balse talada u dhiibaan muddo kala guur ah cid rayid ah iyaga oo walaac ka qaba in ciidamadu ka mid yihiin nidaamkii Bashiir oo xaajadu noqonayso Ayax tag eelna reeb.

Dhinaca kale saraakiisha ciidamada la wareegtay talada dalku waxa ay xabsiga dhigeen Guddoomiyihii xisbiga Mu’tamar Al Wadani ee talada dalka hayay Axmed Haaruun, Cali Cismaan Maxamed Daaha oo hore u soo noqday Madaxweyne ku xigeen iyo waliba Wasiirkii hore ee Gaashaan Dhiga Cabdiraxiim Maxamed Xuseen.

Gaadiidka gaashaaman ee Tiknikada ah iyo dabbaabado ayaa gaaf wareegaya Magaalooyinka waaweyn ee dalka Suudaan gaar ahaan caasimadda Khartuum walina jawigu waa cakiran yahay. Dibadbaxayaashii shacabka ahaa ee kacdoonka waday ayaa baaq kale diray oo shacabka ka codsaday in ay sameeyaan dibad baxyo kuwii hore ka waaweyn illaa ay ka xaqiijinayaan dalabaadkooda oo dhan.

Sidoo kale waxa isna albaabada la isugu dhuftay dhammaanba xafiisyadii xisbiga Islaamiga ah ee Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir waxaana la qabqabtay dhammaan inta badan saraakiishii ka hawl galaysay.

COMMENTS