CABAYS.COM
Warbixin xanuunka COVID-19: Dunida oo uu ku baahayo & Djibouti & Somalia oo loo baqayo
April 18, 2020 - Written by Cabays

Warbixin: Corona Virus – COVID19 – Warbixinta  18/4/2020

Cabays Media (London-UK)  Dalka UK 24ki saacadood ee ugu dambeeyey dhimashadu waa 888. qof oo aanay ku jirin dadka ku dhintay guryahooga iyo xarumaha lagu dhaqaaleeyo dadka waa weyn, kuwaas oo tiradoodu qaadato todobaad in la shaaciyo, Shalayse waxay ahayd 847 qof. Doraadna 861 qof. Dhimashadu guud ee dhatkharada ku dhintey waa  dalka UK waa 15,464. Tirada guud ee xanuunka laga helay waa in ka badan 114,217. Dadka maanta laga ogaaday in ay qabaana waa 5,525.  halka ay shalay ahayd 5,599.

Warbixin horudhaca ah ee ka soo baxaday hay.ada qaabilsan dhaqaalaynta dadka waa weyn ee Care England ee  ayaa shegaysa in ugu yaraan 7,500 oo qof ku dhinteen guryaha lagu hayo. Tiradan ayaa haday sidaa noqoto tka dhigaysa in dadka uu dilay COVID-19 ay noqoto 20 kun  in kor u dhaafaysa. UK waxa lagu wadaa in ay kaalinta labaad gasho oo dalka Maraykanku ka tiro bato uun dunida.

Djibouti: Dadka laga helay waa 732. Dadka dhintey waa 2. Waxa ka bogsaday 76 qof. Djibouti waxa la qiyaasayaa in tirada laga helaya ay sii korodho, sobota ayaa lagu sheegay dadka reer Djibouti ee ka shaqeeya xeryaha ciidamada shisheeye, sida xerada Shiihuhu ku leeyahay dalkaasi oo dad ka shaqeeyaan, kuwaas oo xanuunka loo tuhmayo in ay ka qaadeen. Sidoo kale goobaha baararka gaaladu iskugu timaad ee Djibouti ayaa la aamisan yahay in dad badan oo ka shaqeeyaa aye ka qaadeen. Djibouti dadka uu soo rito xanuunka COVID-19 waxa la dhigaa laba cusbitaal oo mid yahay kii Faransiiska ee magaalada Djibouti iyo mid ka baxsan magaalada. Hase ahaatee walaac weyn ayaa laga qabaa sida ay ula tacaali karaan xanuunka mar haddii qalab hagaagsan oo xanuunka lagula tacaalo jirin.

Somalia: Dadka laga helay waa 116 Dadka dhintey waa 6. Waxa ka bogsaday 2 qof. Dalka Somalia ayaa xanuunku ka soo galay dhanka xerada ciidamada Amicom, inkastoo aanay sheegin xukumad Farmaajo oo ay qarinayso, waxayna ku sheegeen in muwaadiniin dibada ka yimid ay xanuunka keeneen. Xanuunka COVID-19 waxa dadka laga helay Somalia ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, xukuamda Somalia ma sheegto dadka xaalada ay ku qaadeen iyo halka ay Xamar ka degan yihiin, sobobtu waa arimo la xidhiidha in xanuunku raad ku lee yahay ciidamada iyo shaqaalaha ajaanibka ah ee ku sugan Muqdisho.

Ethiopia: Dadka laga helay waa 105. Dadka dhintey waa 3. Waxa ka bogsaday 16 qof. Itoobiya waa dalalka loo baqayo, sobobtoo ah dadkoo aad ugu badan magaalooyinka iyo isku raranta.

Kenya: Dadka laga helay waa 262. Dadka dhintey waa 12. Waxa ka bogsaday 60 qof.

Somaliland: Wali labadii qof ee hore loo xaqiijiyey iyo saddex kale ayaa ilaa hadda la og yahay, cid u dhimatay wali lama xaqiijin.

BELGUIM: Dhimashada maanta waa 290. Shalayna 306. Daraadna 417. Dhimashada guud waa 5,453. Waxa laga helay xanuunka 37,183. Dadka maanta qaaday 1,045. Dadka ka bogsaday xanuunkan waa 8,348.

SPAIN Dhimashad maanta waa 565. halkay shalay ka ahayd 585. Tirada guud ee dhimashada dadka dhakhtarada ku dhintey waa 20,043. Dadka maanta laga helay waa 3,659. waxa xanuunka laga helay 191,726. Dadka uu ku dhacay eeka bogsaday waa 74,797.

GERMANY: Dhimashada maanta waa 184. Shalayna 141. Dhimashada guud waa 4,377. Waxa qaba xanuunka guud ahaan 141,968. waxa laga helay maanta 3,512. Dadka uu ku dhacay ee ka bogsaday waa 85,400

IIRAN: Waxa laga helay xanuunka 80,868. Dhimashada guud waa 5,031. Waxa maanta laga helay 1,374. Shalayna 1,479. Dadka uu ku dhacay ee ka bogsaday waa 55,987.

ITALY: Dhimashada maanta waa 482. shalayna 575. Daraadna 527. Dhimashada guud ee dadka dhakhtarada ku dhintey waa 23,227. Tirada guud ee dadka laga helay waa 175,925. Waxa maanta laga helay 3,491 Shalayna 3,493. Dadka uu ku dhacay ee ka bogsaday waa 44,927.

Holland: Dhimashada maanta waa 142. Shayna 144. Dhimashada guud ee dadka dhakhtarada ku dhintey waa 3,601. Tirada guud ee dadka laga helay waa 31,589. Waxa maanta laga helay 1,140 Shalayna 1,235. Dadka uu ku dhacay ee ka bogsaday waa 250.

USA: Maraykana oo si xawli ah uu u fidayo xanuunka waxa laga helay 712,399. waxa maanta laga helay ,27394 Shalayna 31,214. Tirada guud ee dhimashadu waa 37,268. Dadka dhintey 24kii sacaadood ee u danbeeyay waa 3,384. Shalayna 2,047. Dadka ka bogsaday waa 63,768.

South Africa: Dadka laga helay waa 2783. Dadka dhintey waa 50. Waxa ka bogsaday 903 qof.

Aduunka: Dadkuu ku dhacay waa 2,306,558. dhimashada aduunka oo dhan waa 158,063.

Aduunka dadka ka bogsaday waa 588,804

Screen Shot 2020-04-18 at 20.05.40

Screen Shot 2020-03-29 at 00.17.25

 

 

 

 

 

 

 

Allah dhamaanteen ha inaga nabad geliyo intii dhimatayna ilahay ha u naxariisto … aamiin yaa rabi

COMMENTS