CABAYS.COM
WAREEGTO MADAXWEYNE: 31 /12/2018 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,
December 31, 2018 - Written by Cabays

Cabays.Media(Hargeisa somaliland)WAREEGTO MADAXWEYNE: 31 /12/2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-248/122018 uu Xilka qaadis, Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Ku: Mudane Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Gargaar),
Guddoomiyaha Gobolka Sool.

Ku: Maxamuud Axmed Maxamed Shiil,
Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool.
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL

Ku: Mudane Siciid Saalax Shire,
Maareeyaha Madbacadda Qaranka
Og: Maareeye Ku-xigeenka Madbacadda Qaranka

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad hayseen ee Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool iyo Maareeyaha Madbacadda Qaranka.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilka qaranka ee kala ah Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool iyo Maareeyaha Madbacadda Qaranka.

Sidoo kale waxa aan farayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha in uu u kala wareejiyo xilalka masuuliyiintan heer Gobol iyo kuwa cusub, sida ugu dhakhsaha badan.

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

1) In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

Tir Magaca Xilka
1 Maxamed Cabdi Gurxan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

2 Maxamuud Raage Ibraahim Maareeyaha Madbacadda Qaranka .

3 Cabdiqani Maxamuud Jiidhe Guddoomiyaha Gobolka Sool.

4 Saleebaan Diiriye Cabdi (Joof) Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool

2) In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas’uulkan u beddelo xilkan:

Tir Magaca Xilka

1 Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda

COMMENTS