CABAYS.COM
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo wareegto ku meelmariyey hirgalinta maaliyada sanadka 2019ka
January 2, 2019 - Written by Cabays

Cabays.media (Hargeysa).

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2019-ka

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-38/826/2018, ee ku taariikheysan 30/12/2018, ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2019-ka;

Waxaan soo-saaray;

Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2019-ka oo ka kooban Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose iyo Deeqaha Caalamiga ah oo dhan SL.SH/= 2,334,320,463,251 (Laba Tirilyan, Saddex Boqol Afar iyo Soddon Bilyan, Saddex Boqol Labaatan Milyan, Afar Boqol Saddex iyo Lixdan Kun, Laba Boqol Kow iyo Konton Shillin Somaliland ah).

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jsl

COMMENTS