CABAYS.COM
Wargeyska The Observer Oo Shaaciyey In Somaliland Aqoonsi Ka Doonayso Dalka Uganda
May 17, 2018 - Written by Cabays

Hargeysa(Cabays Media) Wargeyska The Observer ee ka soo baxa dalka Uganda, ayaa daabacay in dawladda Somaliland ay waddanka Uganda ka dalbatay aqoonsi, isla markaana ay kala xaajoonayso sidii ay qunsuliyad uga furan lahayd magaalada Kampala ee caasimada Uganda.

Wargeyska The Observer ayaa war uu daabacay Salaasadii wuxuu ciwaan uga dhigay “Somaliland oo Aqoonsi ka Doonaysa Uganda,” siday wakaaladda wararka Somaliland ee (SOLNA) ka soo xigatay wargeyskaas.

The Observer wuxuu sheegay in Somaliland oo ku taalla Geeska Afrika uu xornimadiisa ka qaatay Ingiriiska sannadkii 1960kii, waxyar kadibna la midowday Soomaalidii Talyaanigu xukumi jiray. Wargeysku wuxuu xusay in midowgaasi uu burburay sannadkii 1991kii, waxaanay Somaliland ku dhawaaqday inay madax-bannaanideedii kala soo noqotay Soomaaliya.

Wargeysku wuxuu weriyey inay Somaliland danaynayso inay waddanka Uganda ka mid noqdo dalal u cilaaqaad diblomaasiyadeed la leh Somaliland oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Kenya, Koonfur afrika, Jabuuti, Belgium, UK, Faransiiska iyo Koonfurta Suudaan.

Wakiilka Somaliland ee Uganda, Dr. Mustafe Cawil ayaa caddeeyey inay Somaliland doonayso inay xafiis qunsuliyadeed ka furato Uganda si loo fududeeyo dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta reer Somaliland gaar ahaan ardayda ku sugan magaalada Kampala ee caasimada Uganda.

Dr. Mustafe Cawil wuxuu intaas ku daray inay dawladda Uganda u qoreen waraaq ay kaga dalbanayaan inay fiiseeyaan baasaboorka Somaliland.

Wasiirul-dawlihii hore ee xafiiska madaxweynaha Uganda u qaabilsanaa la socodka dhaqaalaha, Mr. Henry Banyenzaki, ayaa wargeyska The Observer u sheegay in midowga Afrika uu qalinka ku duugay heshiiska aaga ganacsiga xorta ah ee Afrika (Africa Free Trade Zone agreement) oo Somaliland-na qayb ka noqon doonto heshiiskan.

Guddoomiyaha xibal-xaakimka Uganda Mr. Robert Mwesigwa, ayaa ku dooday in Somaliland ictiraafkeeda ku raadsan karto siyaasad ku wajahan masaalix dhaqaale.

COMMENTS