CABAYS.COM
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Oo Boggeeda Ka Saartay Khariidaddii Ay Soomaaliya Ku Masaxday
May 26, 2019 - Written by Cabays

Addis-Ababa (Cabays Media)–Ugu dambayn Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa boggeeda rasmiga ah ee Internetka waxa ay ka saartay khariidaddii ay boggaasi ku baahisay ee muujinaysay maabka itoobiya oo lagu darsaday maabkii ama khariidadii Soomaaliya halka khariidada Somaliland ay sideeda u daysay.

Arrintan oo baraha Bulshada aad loogu qaadaa dhigayay saacadihii la soo dhaafay ayaa waxa ay ka dambaysay markii Website-ka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya lasoo dhigay map ama khariidad layaab leh oo si cad ugu xadgudubtay madaxbannaanida dalka Soomaaliya.

Khariidaddan oo ah tan qaaradda Afrika, ayaa gebi ahaanba laga tiray Soomaaliya, oo sida muuqata lagu daray Itoobiya, laguna muujiyey khariidadda in Soomaaliya ay ka tirsan tahay Itoobiya.

Waxaa sidoo kale dhacday in Somaliland laga reebay dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya ay ku darsatay sida ka muuqata khariidadda, islamarkaana Somaliland laga dhigay dal madax banaan oo ka tirsan Afrika.

Lama yaqaan sababta Itoobiya ay sidan u sameysay iyo ujeedada laga leeyahay, balse waxaa cad in hammigii Itoobiya ee in mar uun ay baabi’iso kuna darsato Soomaaliya uu banaanka yimid, ha noqoto ku talo-gal mise sir fakatay.

Arrintan ayaa imanaysa iyada oo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu si aad ah isugu dhiibay dowladda Itoobiya Abiy Ahmed, isaga oo rumeysan in isbahaysi uu la sameysto ay muhiim u tahay dowladnimada Soomaaliya.

Halkan ka eeg bogga wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya. Sidoo kale eeg sawirka hoose ee aan ka qaadnay, si haddii laga saaro khariidadda aan keyd uga hayno.

61016358_2402550783098275_44138515612565504_n

COMMENTS