CABAYS.COM
Wasiirka Armimaha Dibada Jam Somaliland oo kulan la qaatay dhigiisa Itoobiya – Maxay ka wada hadleen?
July 12, 2018 - Written by Cabays

Cabaysabays Media – (Addis Abab- Ethio) – Wasiirka Arimaha Dibadda Jam  Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa kulan kula qaatay wasiirka Arimahad dibada dalka Itoobiya, Dr. Workneh Gebeyehu xafiiska Wasaarad Arimaha Dibadda ee Addis Ababa.

Wasaarada Arimaha Dibada Jamhuuriyada Somaliland ayaa bogga Twitter-ka ay ku lee dahay soo dhigtay sawiro muujinaya kulanka, hase ahaatee ma faahfaahin waxa kulankaas lagaga hadlay iyo ujeedad kulan kaba.

“Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire oo socdaal qaarada Afrika ah ku marayey waxa uu soo gaadhay Addis Ababa, kulana la yeeshay dhigiisa Itoobiya, Dr. Gebeyehu” ayaa lagu yidhi qoraalka bogga Twitter ka ee Wasaarada Aimaha Dibadda Somaliland.

Hase ahaatee sida ilo ku dhadhow Dr. Sacad Cali Shire ay sheegeen kulankan waxa uu ahaa mid la xidhiidha isku xidhka  raaysalwasaaraha cusub ee Itoobiya Dr. Abiy Axmed iyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ilaa iyo hada kulan yeelan.

Ilaa hadda ma cada siyaasada cusub ee ku wajahan Somaliland ee dhanka Raysalwasaare Dr. Abiy Axmed oo bilaabay in uu siyaasado cusub ku wajaho arimaha gudaha dalka Itoobiya iyo wadmada Gobolka Geeska Afrika.

Dhanka kale ilaa iyo intii uu xukunka qabtay Raysalwasaare Dr. Abiy, waxa dhnaka xafiiska Itoobiya ku leedahay caasimada Somaliland ee Hargeysa wax weyn laga badalay qaabkii iyo wakhtigii ay qaadan jirtay helista dal-ku-galka Itoobiya ee baasaaboorka Somaliland, waxaana imika lagu siiyaa fiisaha mudo maalin gudaheed ah halkii ay ka qaadan jirtay mudo ku dhow 2o maal mood mararka qaar. Talaabadan ayaa ah ta kali ah ee ilaa hadda la dareemay in xukumada cusub ee Dr. Abiy Axmed hoos u dhigin xidhiidhkii Somaliland iyo Itoobiya,

Waxa la eegaa waa kulan ay yeeshaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Dr. Abiy Axmed goort iyo xiliga uu dhaco iyo wixii ka soo baxaba.

 

WaEtho

COMMENTS