CABAYS.COM
Wasiirka Ganacsiga- Dalxiiska JSL oo fagaare aan hore looga tartamin ku tumay Madax. Saylici
September 16, 2020 - Written by Cabays

CabaysCabays Media – (Wararka Xisbiga Kulmiye) – Loolanka u dhexeeya madaxweyne kuxiegeenka Jam Somaliland, C/raxman Saylici iyo wasirka Ganacsiga iyo Dalxiiska isla xukumada Kulmiye, Maxamuud Xasan Sacad oo loo yaqaan Saajin, ayaa haatan cirka isku sii shareeray. Baraha kulshadu ku kulanto ee makhaayadaha magaalooyinka Somaliland, iyo kuwa Internetka ayaa si weyn loogu lafo gurayaa, iyadoo dhanka kale labada dhan ee kala taageera Wasiir Saajin iyo Madaxweyen-xigeen Saylici ay weeraro hadal iyo is-haaraam ah isku weeydaarsanayaan baraha bulshada ee Internetka.

Hase ahaatee waxa maanta si cad diirka uga qaaday wasiir Saajin loolanka u dhaxeeyaa isaga iyo madaxweyne Saylici , waxaanu xafiiskiisa ku qabtay kulan saxafadeed oo aan noociisa hore loo arag, kaas oo uu ku faahfaahiyey loolanka u dhaxeeyaa Saylici oo uu sheegay in ay iska arkeen, isla markaana isku mari waayeen in ay isku tanaasulaan.

Sawiir saajin oo u waramay saxaafada ayaa waxa uu yidhi “…noloshu horta dumuquraadiyadu waa tartan, tartankana nin diyaar u ah baan ahaa, laakin madaxweyne ku xigeenka oo joogay dhar iyo toban sano hogaanka xisbiga oo aanan filayn in ma mid ahayn (musharax) aan u hayst in uu soo dhamaystay..”

Wsiir Saajin oo sharaxaya sida uu moodayey in uu madaxweyne xigeen, C/raxman Saylici yeelayo, oo uuna mar kale tartamayn, ayaa yidhi waxa uu filayey in uu C/raxman Saylici ku biiro madaxdii hore ee xilka ka degtay, waxaanu yidhi   “…..kuna biiro ragii ka horeeyey, Xasan Ciise kamid yahay, C/raxman Aw Cali ka mid yahay,Axmed Yaasiin ka mid yahay, oo dee noloshiisa kale hawgalo, yaa waxa ay noqotay meesha anigaa leh, cidi ilama kaysoo sharixi karto.”

Wasiir Saajin ayaa ku eedeeyey madaxweyne-ku-xigeen C/raxman Saylici in uu tartanka u dhexeeya galiyey noo kale oo damac ah, waa sidauu sheegaye. Sidoo kalena wasiir Saajin waxa uu sheegay in isaga iyo C/raman Saylici loo soo jeediyey in ay iyagu dhexdooda ka heshiiyaan ku tartanka kuriga gudoomiyaha afraad ee xisbiga Kulmiye.

Isagoo sharaxaya waxa uu yidhi “…Markii waxaan arkay la galiyey kaamabayn qaloocis ah, waxay gaadhay heer la yidhaahdo, for the first time (markuu ugu horeysay) Gaadabuuriyow ku soo kala baxa, dee wax siyaasada oo la yidhaa Gadabuursi ku kala baxa, ilayn geel muu jala qaadine may ahayn….”

Sidoo kale Wasiir Saajin waxa uu kulkanka saxaafadeed ee uu ku qabtay xafiiskiisa ku sheegay in isaga iyo madaxweyne ku xigeenka JSL, C/raxman Saylici ay kulmeen, isagoo ka hadkayana waxa uu yidhi “….Markii aan isku imanay waxa uu isa soo taagay xisbigan anigaa leh, layguma tartami karo…….anigaa leh haddii ay tahay dee in uu cid soo propose-gareeyeo (soo jeediyo) ayey ahayd, aw isagu dee u gartay….”

Screen Shot 2020-09-16 at 12.55.10

Wasiir Saajin ayaa kulankan saxaafada ku xaqiijiyey in madaxweyne Muuse Biixi isku keenay isaga iyo C/raxman Saylici una soo jeediyey in ay iyagu isku tanaasulaan, balse labadooduba aanay isku tanaasulin, isla markaana uu diyaar u yahay in uu tartamo.

Waxa kale oo si weyn u dadafeeyey aragtida odhanaysa in nabadgalyada Gobolka Awadal wax yeelayso musharaxnimadiisu.

Wasiir Saajin oo u muquuday nin kalsoono ka haysta dhanka madaxweynaha, marka la eego shirka jaraa’id ee uu ku qabtay xafiiskiisa oo ah noocii ugu horeeyey oo wasiir xil haya, isla markaana isla xafiiskiisii ka weeraro madaxweyne-xigeen xil haya, oo waliba mar kale u sharaxan in uu noqodo gudoomiye afraad oo ah ka uu ka soo boxo madaxweyne kuxigeenka xisbiga Kulmiye, ayaa waxa hadalka uu jeediyey ka muuqday in uu yahay mid aan ka tanaasulayn xilka, isla markaana dhabarka laga soo taabtay.

Lama oga heerka loolanka xisbiga Kulmiye ee u dhaxeeya labadan masuul ee Reer Awdal halka uu sal dhigi karo, balse waxa jira in ay jirto aragti xoogan oo odhanaysa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa dhabarka ka sooo taabtay wasiir Saajin, waana halka uu kalsoonida ka wato.

Isku soo duuboo Wasiir Saajin waxa uu u muuqdaa siyaasi fagaare aan hore looga tarmamin ku tumaya madaxweyne-xigeen, waana astaan muujinaysa heerka kalsoonida ku jirtta iyo ta laga yaabee uu ka haysto gobolka codka Gobolka Awdal iyo ilaa madaxweynaha.

La soco warkan loolanka labadan masuul oo hadda waeramaya meel adag wixii ka soo kordha.

Cabays Media

 

 

COMMENTS