CABAYS.COM
Wasiirka Khaarajiga Somaliland Iyo Safiirka Somaliland Ee Kenya Oo Kulan La Qaatay Safiirka Sucuudiga Ee Kenya
June 27, 2019 - Written by Cabays

Nairobi (Cabays Media)- Safiirka Somaliland u fadhiya waddanka Kenya Ambassador Baashe Xawil Xaaji Cumar ayaa ka hadlay kulan gaar ah oo magaalada Nairobi ku dhex maray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, Safiir Baashe iyo Safiirka waddanka Sucuudiga u fadhiya waddanka Kenya Dr. Maxamed Khayaad.

Baashe Cawil Xaaji Cumar Safiirka Somaliland ee waddanka Kenya oo qoraal kooban oo  luuqadda Ingiriisida ah ku baahiyay Degellada uu ku leeyahay mareegaha xidhiidhka dadweynaha ee Facebook iyo Twitter waxa uu ku sheegay kulankaasi oo maanta Magaalada Nairobi ku dhex maray Isaga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo dhinac ah iyo Safiirka waddanka Sucuudiga u fadhiya waddanka Kenya Dr. Maxamed Khayaad.

Qoraalka Safiirka Somaliland u fadhiya waddanka Kenya Ambassador Baashe Xawil Xaaji Cumar ayaa u dhignaa sidan:

“Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon iyo Safiirka waddanka Sucuudiga u fadhiya waddanka Kenya Dr. Maxamed Khayaad iyo Anigu waxa aannu kulan gara ah ku yeelanay magaalada Nayroobi. Kulankani waxa uu ahaa mid aad u qiimo badan oo labadayada dhinac aannu isla eegnay xidhiidhka Somaliland iyo Sucuudiga iyo Arrimaha ay ka mid yihiin sidii Sucuudigu maal-gashi ugu samaysan lahaa Somaliland gaar ahaan dhinacyada Kaabayaasha dhaqaale iyo guud ahaan mashaariic horumarineed oo aad uballaadhan”

Kulankan ayaa haddaba ku soo beegmaya dhawaan uun markii Xukuumadda Somaliland sheegtay in sucuudigu dhoofka xoolaha Somaliland ku xidhay warqad laga soo qaato magaalada Muqdisho taasi oo xukuumadda Somaliland gaashaanka ku dhufatay.

65393166_875459336154129_8863866961893785600_n

Dhinaca kalena Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon waxa uu xalay kulan gaar ah magaalada Nayroobi kula yeeshay Xoghayaha Joogtada Ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Ambasaddor Peter Makaariya kaasi oo ay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada waddan iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, Siyaasadda iyo diblomaasiyadda.

65301392_10162086040445360_8082061972037697536_n

65830105_10162086068015360_1923380762824933376_n

 

COMMENTS