CABAYS.COM
Wasiirkii Arimaha Dibada Jam. Somaliland oo shaaciyey in uu u sharaxan yahay Golaha Wakiilada & Xilka Gudoomiyaha
February 14, 2021 - Written by Cabays

Cabays Media ( Laascaanood, JSL) –  Wasiirkii Arimaha Dibada Jamhuuriyada Somaliland, Yaasiin Maxamuud Faratoon ayaa si rasmi ah u shaaciyey in uu isku sharaxayo Golaha Wakiilada JSL, isla markaana uu doonayo in uu noqdo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada. Wasiir Faratoon ayaa iska soo sharaxay xisbiga Kulmiye ee uu kam id yahay.

Musharaxnimada wasiir Faratoon waxa ay keenaysa loolan cusub oo dhex mara xubnaha siyaasada ee ku kala jira Kulmiye iyo mucaaridka, siiba Xisbiga Waddani oo ay ku jiraan siyaasiyiin culus oo hore uga tirsanaa Kulmiye oo hadda aad ugu fadalo cad Waddani.

Wasiir Faratoon ayaa socdaal ku maray deegaamo ka tirsan gobolka Sool, isagoo haatana ku sugan magaalada Laascaanood oo uu ku daah furay musharaxnimadiisa .

Warar hoose ayaa sheegaya in madaxweyne Muuse Biixi iyp Faratoon isla og yihiin in uu noqdo Gudoomiyaha Goalaha Wakiialda, isla markaana uu taageero ka helayo xukumada.

ImageScreen Shot 2021-02-14 at 23.29.52

COMMENTS