CABAYS.COM
Xaalad adag oo soo wajahday qoysas danyar ah oo ay daadad burburiyeen guriyihii ay degganaayeen duleedka degmada Caynaba
May 13, 2019 - Written by Cabays
Caynaba (Cabays Media)- Deegaan ku yaalla duleedka degmada Caynaba ee Gobolka Saraar oo ay degganyihiin qoysas danyar ah ayaa waxaa saameyn xooggan ku yeeshay roobabkii deegaanka ka da’ayay,iyadoo ay biyo qaadeen dhismayaal cooshaddo ahaa oo ay degganyihiin.
Deegaanka waxaa ka imaanaysa qaylo dhaan xooggan,waxaa ka soo muuqday muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada carruur iyo haween ku dhex jira biyo daad ah oo ka dhashay roobabkii ka da’ay deegaanka.
“Meel aan uga baxno maleh biyaha, meel walba daad ayaa gaadhay”. ayay tidhi Sahra Caydiid Axmed oo ah hooyo toddobo carruur ah heysata oo inta ku dartay  ” Carruurta qabow ayay la jareynayaan uma hayo jaakeeddo, ma hayo meel ay dugaashaddan dadka oo dhana arrintan way ila qabaan, xeradana waa ku nool dad danyar ah”.
Qoysaska deegaanka ku nool ayaa sidoo kale cabasho ka gudbiyay, inaysan heysan hoy, raashin iyo biyo nadiif ah ,iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaa muuqaalka laga baahiyay xaaladda deegaanka ay ku soo bandhigeen qoysaskii ka hadlayay xaaladda adag ee halka ku heysata telefoonno lagala xiriiro karo cid walba oo doonaysa inay xaaladoodda ka warhesho, lambarrada oo kala ah; +252634387727 , +252633030451 ,+2526343361902.

COMMENTS