CABAYS.COM
Xaalada Jigjiga: Magaalada oo si weyn looga qaxayo wali – Yaa ka qaxaya, waa sideese xaalada guud?
August 10, 2018 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (Jigjiga- DDSI)  Xaalada magaalada Jigjiga oo dhincana ka degan oo aanay wax rabsado gacan ka hadal ahi ka socon, ayaa haddana uu ka socdaa qax weyn oo ay kaga qaxayaan dad badani

Magaalada Jigjiga waxa si weyn laba jiho uga socda geedi ay u kala jihaysteen dhanka koonfureed iyo dhanka Galbeed laba bulsho oo kala ah Reerka Ogaadeen la yidhaa oo u hayaamay deegaamadoodii ilaa Dhagaxbuur iyo  meelo ka fog iyo qoomiyadaha Oromada, Axmaarada, Uraagada iyo dadka aan ahayn Soomaalida ee siyaabo kala duwan ugu noolaa magaalada.

 

Dariiqa uga baxay dhanka koonfureed magaalada Jigjiga ayaa waxa la sheegay in ay isdaba guurayaan gaadiid badan oo aan kala gu’in ilaa maalintii rabshadu bilaabmatay kuwaas oo sida caruuro, dumar iyo rag ka baqo cararay magaalada Jigjiga oo ay ka cabsi qabaan in reerka Jid-waaq kaga aarsado ficiladii aadka u xumaa ee loogeystay mudadii uu madaxweynaha ahaa Cabdi Maxamed Cumar oo xi sun u galay reerkaasi.

 

Cabsida Ogaadeenka ayaan la garanayn waxa keenay maadaama aanay jirin wax filcilo ah oo lagula kacay beesha Ogaadeen, hase ahaatee waxa Cabays Media u sheegeen saraakiil ku sugan Addis Ababa oo xaalada ka war hayaa in ay sobobta ay uga qaxayaan Ogaadeenku Jigjiga ay tahay ciidamadii dadka muquumin jiray ee Liyu Booliis ayaa iyaguna dad hortee iskaga hayaamay oo faaruqiyey xeryihii ay ku lahaayeen guud ahaanba deegaamada ka baxsan Caro-ogaadeern ee aanay dagin reerka Ogaadeenku.

Jigjigaa

Sidoo kale waxa qayb ka ah qixitaanka Ogaadeenka ee magaalada Jigjiga oo ah mid ay galiyeen madaxdooda, siiba intii ka midka ahayd xukunki Cabdi Maxamed Cumar, kuwaas oo ku baaqay in ay burburtay dawladii DDSI oo la inqlaabay, isla markaana uu jiro colaad u dhaxaysa Ogaadeen iyo dadka kale ee deegaanka.

Ciidamadii Liyu Booliis ayaa sidoo kale isku urursaday meel u dhow Qabritahare oo la yidhaa Cobole , halkaas oo ay kaga daba tageen ciidamo badan oo kuwa dawlada Federalka Itoobiya . Wali ma cada wax la kala yeelayo, waxayse ku xidhan tahay sida ay yeelaan ciidamada Liyuu Boolska madaxdooda oo wali ka gadoodsan in Cabdi Ilay la xidho.

Dhamaanba tuulooyinka iyo goobaha xuduuda ee DDSI la lee yahay Somaliland ayey ciidamdii Liyo Boolis iskaga baxeen, waxaaba degmoyinka waaa weyn sida Ramaso, Awaare, Xarshin, Baligubdale, Awbare iyo Wajaale baneeyey ciidamadii Liyuu Boolis oo raacay dadka ka guuraya magaalad Jigjiga ee Ogaadeenka ah.

Waxa kale oo wararku sheegayaan in ciidamada federaalka ee Itoobiya oo cutub cutub u socda oo ku hubaysan hub culus ay ku wareegayaan deegaamada ay baneeyeen ciidanka Liyu Boolis, isla markaana dadka deegaanka u sheegayaan in ay la wareegaan amaanka deegaanka. Deegaanka Ramaso ayaa la sheegay in ay isku soo gaadheen ciidamo federal ah iyo kuwa Liyo Booliiska oo halkaa ku haystay gaadiid gaadhay ilaa shan baabuur oo nooca xamuulka qaada oo laga lee yahay dhan Somalland, kuwaas oo ay ciidamada federalku ka sii daayeen Liyu Boolis una sheegeen in ay ka baxaan deegaan, tagaana halka Liyu Boolis lagu ururiyey ee Cobole.

Dhanka kale xubnaha siyaasiyiinta ee ku sugan Addis Ababa ee Soomaalida DDSI ee ku hawlan dhismaha maamul cusub Cabdi Maxamed Cumar kadib, ayaa qaar ka mid ah oo aan Khadka telefoonka kula xidhiidhanay noo sheegeen in aanay joojyeen in ay saxaafada ka yareeyaan la hadalka badan iyo in lagu mashquulo wax ka qabadka xaalada DDSI oo aad u sii xumaanaysa.

Ilaa hadda ma jiro cid ay dawlada Itoobiya wadato oo madaxweyne ka noqonaya DDSI, hase ahaatee waxa Soomaalida deegaanka lagu soo dhextuuray magacyo badan oo ay ka mid yihiin Axmed Shide oo wasiir ka ha xukumada dhexe ee Itoobiya.

La soco wixii warar ee ka soo kordha xaalada DDSI oo saacad walaba wax ku soo kordhayaan.

Cabays Media

Addis Ababa- Itoobiya

 

 

COMMENTS