CABAYS.COM
Xaaladda Deegaanada Ceel-afwayn Iyo Dararwayne Oo Cakiran + Dagaal Laga Cabsi Qabo  In Uu Ka Dhaco 
July 6, 2018 - Written by Cabays

Hargeysa(Cabays Media ) Saacaddihii la soo dhaafay waxa deegaanada Darar wayne iyo Ceel-afweyn isku hor fadhiya laba ciidan beelood oo halkaasi hore dagaalo ugu dhex mareen, ciidan beeleedyadan ayaa saaka dagaal ku dhex maray mar kale dooxa deegaanka Dararwayne. Ciidamada Somaliland ee halkaasi ku sugan ayaa ku kala dhex jira maleeshiyo beeleedkani.

Warar kala duwan oo aanu helayno ayaa sheegay in ciidamo beeleedkani isku muuqdaan ciidamda Somaliland ay ku kala dhex jiraan. Dagaal culus oo u dhaxeeya beelahani halkaasi degga ayaa si xun looga cabsi qabaa in uu ka qarxo.

Dadka deegaanka ku sugan oo aanu xidhiidho kala duwan la sameynay waxay noo xaqiijiyeen in xaaladda deegaanadaasi ay tahay mid saansaan colaaddeed laga cabsi qabo. Ciidamada Somaliland ee la kala dhex dhigay beelahani ayaa iyagu wax taalaabo ah qaadi karin keliyana ay u furan tahay in ay kala ilaaliyaan ciidamo beeleedkan is hor fadhiya.

Ciidamo beeleedkan ayaa lagu soo waramayaa in ay isku horfadhiyaan deegaanka Dararwayne oo saaka dagaal ka dhacay. Halkan deegaanka Ceel-afwayn isna duuleedkiisa ay fadhiyaan kooxo ka tirsan ciidamo beeleedkani dagaalamaya.

Dagaalo ay ku dhinteen boqolaal ruux aya hore uga dhacay deegaanadani Dararwayne iyo Ceel-afwayn oo ay wada deggaan beelaha Habar Jeclo iyo Habar Yoonis gaar ahaan beesha Sacad Yoonis iyo Biicide. Xukuumadihii kala danbeeyey ee Somaliland ayaa iyagu ku fashilmay in ay wax ka qabtaan colaaddaha soo noqnoqaya ee halkaasi ka taagan.

Deegaanka Ceel-afweyn waxa lagu soo waramayaa in mid kamid ah ciidamada Somaliland saaka ay ciidamo beeleedkani ku dileen – ma jiro wax war ah oo faahfaahsan oo laga helaayo khasaaraha kale ee ka dhashay iska hor imaadkan maleeshiyaadkan iyo ciidanka saaka dhex maray.

Ugu danbeyntiina waxa dib u dhacay socdaal madaxweynaha Somaliland iyo ergo balaadhan oo daminta colaadda u socday ku tagi lahaayeen Ceelafweyn 1-dii bishan waxaanay u muuqata in ay ka sii darayso xiisadda labada beelood.

 

Bariga Afrika

COMMENTS