CABAYS.COM
Xaalka Dagaalka Tigray – Arimaha ku gadaaman
June 30, 2021 - Written by Cabays
X A A L K A T I G R A Y W A R
M A L A G A H A Y A A.
■ MalleeshiyadaTigrayga ee TPLF ayaa dib u qabsatay Gobolkoodii Tigray. Ciidankii Federalka Ethiopia na way ka bexeen. Waa arrin dhagaha shacabka geeska ku cusub. Laakiin sababta ay sidaasi u dhacday ayaan weli xog sax ah laga hayn.
■ Waxa kale oo la sheegayaa in aan lahayn meel uu ku sugan yahay hoggaamiyihii TPLF. Halka kooxdiisii madaxda ahayd intooda badan geeri lagu sheegay.
■ Dawladda Ethiopia ayaa dhinaceeda ku dhawaaqday xabbad joojin. Iyana waa war dareen kale muujinaya. Balse la is weydiinayo sababta?
■ Shakiga laga qabo in ay TPLF-ta la sheegayaa tahay tii madaxdeeda la yaqaannay iyo in ay kuwo copy ah yihiin ayaa iyana la kala garan la’ yahay.
■ Macaluusha iyo baahida ka taagan gobolka Tigray, ee ay shacabku la il daran yihiin. Sida wax loogu qaban karo iyo kaalinta ay TPLF ka qaadan karto….ayaa iyana loo arkaa culayska ugu weyn ee TPLF soo wajihi karta. Marka laga soo tago xasillooni darrida ka taagan gobolkaasi.
■ Ugu dambayn, sidee shucuubta kale ee Ethiopia u arkaan tallaaboouinkan uu RW Ahmed Abiy ku tallaabsaday ee ku wajahan Tigray. Ee u eg in doonayo in uu soo af jaro colaaddii Tigray kala dhaxaysay. Ayaase kala shaqeeyey…..ma Isreal? Ma USA? Mise Britain?…..Mise waxa laga hagayaa talooyin kaga yimid wadaaddada Kaniisadaha, ruug caddaa u qarsoon iwm ?
Su’aalahaa marka aad akhristow jawaabtooda hesho, waxa kuu soo baxaya in aad fahamto siyaasadda Ahmed Abiy halka ay salka ku hayso.
May be an image of 1 person and standing
 Qore Axmedweli Sheekh Cumar Good

COMMENTS