CABAYS.COM
Xabsi noocma ah ayaa lagu hayaa Cabdi Maxamed Cumar – Yaase amray xadhigiisa?
August 10, 2018 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (Hargeysa- JSL)-  Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Deegaanka Soomaalida Itoobiya,  Cabdi Maxamed Cumar loo taaxabay xabsiga, Sida duqii hore ee magaalada Jigjiga, Axmed Dool oo ku sugana magaalada Jigjiga u xaqiijiyey Cabays Media xadhiga Cabdi Ilay ayaa yimid ka dib markii hpre ee Addis Ababa la keenay huteel la dajiyey, balse uu halkaas ka bilaanbay in uu abaabulo dad rabshado ka sameeya Jigjiga.

Booliska Addis Ababa ayaa la sheegay in ay kala baxeen huteelkii uu degaanaa, loona kaxaystay meel aan la sheegin halka ay tahay. Cabdi Ilay ayaa la sheegay in la jiiiday markii uu diiday in uu raaco ciidankii loo soo diray. Qaar ka mid ah shaqalaaha huteelkii laga qabtay ayaa si hoose ugu sheegay xubno ka mid ah Soomaali ku sugnaa in Cabdi Ilay loola dhaqmay si wanaagsan markii huteelka la keenay, hase ahaatee laba maal mood kadib markii uu ku jiray huteelka loogu yimid, qolkii loogu galay, laguna baadhay. isla markaana laga qaaday kumbuyutur iyo shandad uu sitay.

Waxaana laga soo saaray qolkii huteelka isagoo la jiidayo, isaguna uu diidan yahay in la kaxeeyo. Cabdi Ilay ayaa la sheegay in uu ku doodayyey in la ilaaliyo xasaanadiisa, iyo in laga qaado faraha. Xadhiga Cabdi Maxamed Cumar waxa toos u amray Raysalwasaare Abiya Axmed oo xaalada deg deg ah ku tilmaamay qabashada Cabdi Ilay oo u muuqday in uu waday qalalaase uu awoodiisa ku muujinayo.

Sidoo kale wararka xaalada magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in ay aad u degan tahay, isnkatoo maal mihii hora ay aad u kacsanayd.

Maanta Cabdi Maxamed Cumar waxa uu ku jiraa xabsi adag oo ku yaal Addis Ababa kadib markii hore inta la dejiyey hutel uu halkaas abaabul ka galay dhanka telefoonka, sida uu sheegay duqii hore ee Jigjiga Axmed Dool oo aan Addis Ababa kula xidhiidhay.

Sidoo kale golihii wasiirada ee Cabdi Ilay oo uu ku jiro Axmed Ilkacase oo ahaa wasiirkii maaliyada, iskuna caleemo saaray in uu yahay madaxweynaha cusub ayaa isna Addis Ababa loogu yeedhay. Waxa suurto gal ah in 4 ka mid ah lagula hadho Addis dunuub la xidhiidha kicin dad awgeed.

Ina Ilay

Addis Ababa waxa laga wadaa abaabul shir weyn oo lagu dhisayo xisbi uu ka soo bixi doono madaxwyene cusub oo DDSI ah oo Soomaali oo dhami ka raali tahay.

Beesha Ogaadeen oo laakiin iyagu isku bahaysatay in aan xilka madaxweyne la weydaarin, si kastaba, halka Jid-waaq iyo Soomaali inteed kale dhan isku bahaysteen in beeshaa la tuso in aanay kali lahayn deegaanka DDSI.

La soco wareysi aan khadka AddIs Ababa kula yeelan doono xubno kala duwan oo ka mid ah xbunaha u dhafiya in dadka Soomaalida DDSI la isku keeno.

 

COMMENTS