CABAYS.COM
Xiddigaha Reer Afrika Ee Ku Wada Guulaystay Kabta Dahabka Ah Ee Gool-dhalinta Horyaalka England
May 13, 2019 - Written by Cabays

London (Cabays Media)- Sadio Mane iyo Pierre-Emerick Aubameyang ayaa maalintii u danbaysay horyaalka dhaliyey goolashii ay kula wadaagi lahaayeen kabta dahabka ah, ee la siiyo laacibka ugu goolasha badan Mahamed Salah.

Labadii gool ee Aubameyang u dhaliyey arsenal ayaa uga dhignaa inuu kula biiray Salah iyo laacibka ay isku kooxda yihiine Mane kaas oo isna goolal ka dhaliyey Wolves, ay ka dhigtay inuu yeesho 22 gool.

Salah, ayaa sidoo kale billaddan ku guulaystay sannadkii hore.

Waa guushii ugu hoosaysay ee lagu helo billaddan, tan iyo sannadkii 2010-11, kolkaas oo uu Dimitar berbatov iyo Carlos Teves ay ku wadaageen kubbadda dahabka ah ku guulaysigeeda goolal ahaa 20 gool midkiiba.

Ciyaartoygan reer Gabon, ayaa sheegay: ‘ waxaan la wadaagi doonaa abaalmarintan laba ciyaartoy oo aan jeclahay, oo ah xiddigo waaweyn oo afrikaan ah. Waxaannu metelaynaa Africa, taasina waa wax wanaagsan’

‘dhammaantood waa ciyaartoydaydii’

Tababarah Liverpool aya ku qeexay layaab iyo farxad, in ciyaartoygii hore Dortmund, kaas oo isagu kasoo iibsaday Saint-Etienne sannadkii 2013. Wuxuuna yidhi ‘saw heli maayaan saddex kabood oo dahab ah? Waa wax fiican, dhammaantood waa ciyaartoydaydii’

Salah, 26 jirkan ayaa dhaliyey 32 gool xilliciyaareedkii u danbeeyey. Taas oo ka dhigaysa rikoodh cusub goolashii ugu badnaa ee lagu dhaliyo 38 ciyaarood.

Wuxuuna noqonayaa ciyaartoygii lixaad ee ku guulaysta abaalmarintan, laba xilli ciyaareed oo xidhiidh ah…

Ciyaartoyga reer Totenham ee Harry Kane, ayaa ahaa kii labaad ee joogteeya qaadidda kabtan dahabka ah, kaas ooo ku guulaystay sannadkii 2015 and 2016-17, uuna ku dhammaystay 17 gaalo, ka hor intaanu dhaawacmin.

COMMENTS